Monday, June 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kenya oo gubtay hub farabadan oo sharci darro ah (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Kenya oo gubtay hub farabadan oo sharci darro ah (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

In ka badan 5000 oo Qori oo isugu jira noocyada darandoorriga u dhaca, kuwo qadiimiga ah, Gentaallaha Garabka laga tuuro iyo Baastoolado,ayaa Maanta lagu gubay fagaare ku yaalla duleedka Caasimadda Dalkaasi Kenya ee Nairobi.

Dowladda Kenya ayaa Qoryahaasi Debka la qabadsiiyay ku tilmaantay inay ahaayeen kuwo Sharci darro ahaa, waxanay Dadka laga soo uruuriyay u badnaayeen Beeraleey, Xoolo dhaqato iyo Reer Miyi, kuwaasoo mararka qaarkood u adeegsan jiray dagaal Beeleedyada.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka  Suudaan ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

June 28, 2026
Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

June 28, 2026

Madaxweyne ku xigeenka Dalka Kenya William Ruto ,oo ka hadlay goobta lagu gubayay Qoryahan ayaa sheegay, in Hubka sharci darrada ah uu Dalkiisa ku yahay dhibaato weyn, amaankana uu qal qal aan la qiyaasi karin ku hayo.

“Waxan ugu baaqayaa muwaadiniinteenna inay Gacanta Dowladda soo geliyaan Hubka aan sharciga aheyn si aan idiin bad baadinno” Dowladduna uma dul qaadan doonto ka Ganacsiga Hubka noocyadiisa kala duwan, ayuu yiri William Ruto.

Dowladda Kenya ayaa wixii ka dambeeyay 2003-dii la dagaallamaysay Hubka sharci darrada ah, waxanay Sagaalkii Sano ee lasoo dhaafay Deb qabadsiisay in ka badan 20’000 oo Qori, markii ay Dalkaasi ka dillaaceen dagaallo ku salaysan aanooyin Qabiil.

Kenya ayaa sheegtay in Sanadkii 2007-dii oo keliya Dalkeeda si dhuumaalaysi ah lagu geliyay qiyaastii 100,000 oo Qori, Hubkaasoo sida ay tilmaantay Dowladdu kasoo gala xaduudaha uu Dalkeedu la leeyahay waddamada Soomaaliya, Itoobiya,Suudaan iyo Yugaandha.

Previous Post

Kulan isdhexgal ah oo dhexmaray Booliska iyo Bulshada Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

ICT Support Project

Next Post
ICT Support Project

ICT Support Project

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka  Suudaan ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

June 28, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta...

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

June 28, 2026
0

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ayaa maanta kormeer ku tegay Xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho. Guddiga ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Itoobiya

June 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku gaaray, magaalada Addis...

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

June 28, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Macdanta iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In