Wafdi uu hogaamayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga Xukuumadda Soomaaliya Prof Cabdullaahi Sheekh Cali(Qaloocaw) oo safar shaqo ah u jooga dalka Mareykanka ayaa waxay la kulmeen madaxda Hay’adda USAID, waxayna ka wada hadleen sidii mucaawanada USAID ay u noqon lahayd mid waxtar muuqda u yeelato bulshada Soomaaliyeed, ayna noqoto mid ku jaan go’ an Qorshaha Horumarinta Qarankan (NDP).
Iyadoo mas’uulayiinta Hay’adda USAID ayaa waxay boogaadiyeen Dowladda Soomaaliyeed dadaalka dheer ay u gashay sameynta qorshaha Qaranka iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarka dhinc walbo ay gaartay dowladda Soomaaliya .
Wasiika ku-xigeenka ayaa sheegay in qorshaha hormarinta Qaranka Somaaliyeed diyaarintiisa ay ahayd mid Soomaaliya oo dhan guuul u ah isla amrkaana wadatashi lala yeeshay madaxda dowladda, kuwa dowlad goboleedyada iyo dhacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobalada dalka.
“waxaan wadatashi aan la yeelanay xubnaha dowladd gobaleedyada iyo dowlada Federaalka, waxaana naga wada go’an sidii wadanka aan ugu sameyn lahayn Qorshe saddax sano ah, kaasi uusan ahayn mid layska riyooda oo kaliya balse uu noqda wax cad oo dalkan lagu hagi karo” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta.
Dhinca kale Wasiir ku-xigeenka Wasaaraadda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdullaahi Sheekh Cali , ayaa shir la qaatay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington, waxayna isla meel dhigeen sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga dhaqaalaha ee Mareykanka iyo Soomaaliya.
Sidoo kale Wasiir Ku-xigeenka iyo wafdigii uu hoogaaminayey ayaa waxay shir la yeesheen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Mareykanka ee Washington iyo Gobollada ku xeeran, kuwaasi oo ay uga warbixiyeen horumarka uu dalka ku tallaabsaday.