Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee SoomaaliyaMudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir hal maalin ah oo loogu magac daray tallo Qaran, kaasoo ay dadweynaha ku dhiibanayeen tallooyinkooda.
Shirka Tallo-Qaran waxa uu tilmaamayaa Lix tiir ama qodob, sida Amniga, Cadaaladda, Waxbarashada, Caafmaadka, Dhaqaalaha iyo Waddaniyadda, siyaasadooduna waxaa lagu lifaaqayaa tallooyinka ay bixiyaan dadweynihii Soomaaliyeed ee madashaasi isugu yimid.
Dadka ka soo qeyb-galay waxa ay ahaayeen saraakiisha ciidammada, khabiirro Cadaaladda bartay, Aqaaoonyahanno, Dhaqaatiir, siyaasiin iyo dadweyne kale, madasha Tallo Qaran waxaa soo agaasimey Qaasim Maxamed Cali oo ah taliyaha madaxweynaha.
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa daah-furay madasha tallo Qaran, waxa uu ka jeediyey khudbad ka hadleysay lixda qodob ee tallooyinka u baahan, ahna kuwa ugu muhiimsan dal ama dowlad jirta leeyihiin.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyey madasha Tallo Qaran dhallinyaradii soo abaabushay, waxa uu ka hadlay muhiimadda ay leedahay in wadatashiga iyo tallo uruurinta dadka Soomaaliyeed, si ay ugu tadashadaan siyaasadda ay u degsadeen hey’adaha kala duwan ee dowladda, madaxweynuhu waxa uu sheegay in dowladdiisu ay mar walbaa ka go’an tahay in wadatashi ay ku saleyso hey’ad walba, Soomaaliyana ay noqon doonto dal dhibaatooyinkii soo maray uga soo baxa wadatashi.
Madaxweynaha Dalka oo khudbaddiisa sii wata, ayaa soo hadal qaadey doorashooyinka ka socda Soomaaliya oo uu ku tilmaamay horumar iyo dimoqoraadiyad ay Soomaaliya, gaartay, hasa yeeshee waxa uu sheegay in waajib dheeri ah uu ka saaran yahay doorashooyinka dowlad gobolleedyada iyo guddiyada ku howlan arrimahaas.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha ayaa tilmaamo ka bixiyey Soomaaliya sababa ay burburka uga baxdey oo ah saddex arrimood. Sida dagaalladii sokeeye, dowladihii Kmg-ka ahaa iyo dhibaatooyinkii Qabiilka oo aad u sii yaraadey.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dadka Soomaaliyeed uga mahadceliyey dedaalka iyo garab istaagga dowladnimada ay u muujiyeen, waxa uu u rajeeyey in ay muddo dhow gaari doonaan dowlad iyo shacab awood badan oo dunida carsiga ah tusaale u noqda, sida uu ku sheegay khudbaddiisa.
Lixda Qodob ee Tallo Qaran, waxaa fikradahooda ka dhiibanayey ama tallooyin ku biirinayey dadkii ka soo qeyb-galay, waana madal kulmisa tallo doonka, tallo-wadaagta iyo tallo bixiyeyaasha Soomaaliyeed.