Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wakiilka QM ee Soomaaliya oo bogaadiyey doorashooyinka ka socda Xarumaha dawlad gobaleedyada Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wakiilka QM ee Soomaaliya oo bogaadiyey doorashooyinka ka socda Xarumaha dawlad gobaleedyada Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay ee arrrimaha Soomaaliya, Danjire Michael Keating ayaa si aad ah u bogaadiyey doorashada aqalka hoose ee baarlamanka ee ka socota xarumaha dalwad gobaleedyada dalka.

Waraysi gaar ah oo uu siinaya Warbaahint Qaranka ayuu ku sheegay in ay tahay wax la bogaadiyo doorashooyinka marka loo eego sida ay wax u socdaaan, iyo suurta galnimada sida ay ku qabsoomi karto doorasho noocaan oo kale oo ay dadbadan su’aalo gelinayeen markii hore.

Related posts

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

October 12, 2025

“Waxaan leeyahay hambalyo, doorashadana si wanaagsan oo lagu farxo ayey u socotaa, boqolkiiba 40 wax ka badan ayaa ku soo baxay oo Xildhibaano noqday, waxaana ay isugu jiraan, kuwa cusub oo da’yar wiilal iyo gabdho leh iyo kuwa hore oo da’ah intaba”, ayuu yiri Keating.

Mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd suurta galnimada in doorashada madaxtinimo markale dib u dhacdo ayuu sheegay in rajo wayn uu ka qabo in wakhtigeeda ay dhacdo balse aanu meesha ka saari Karin dib u dhac ku timaada wakhtiga loo madlan yahay oo ah bishan November 30-keeda.

Ambassador Michael Keating ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta colaada magalada Galkacyo ee uu nabadaynteeda awgeeda laba jeer u tagay, si la’isugu dabqaado heshiis rasmi ah oo xabbad joojineed-na ay u gaaraan maamulada Puntland iyo Galmudug.

“Sheekada Gaalkacyo waa mid adag waxaana la’isku hayaaa arrimo dhawr ah oo la xiriirta muran dhul, mid kheyraad iyo dastuuri intabada, waxaana jiray heshiis nabbadeed oo 1990-meeyada lagaaray, balse hadda waxaa jirtay dadaalo labada hogaamiye Guleed iyo Gaas meel la’isugu keenay, ra’isul wasaaraha ayaa goob jog ahaa, ana laba jeer ayaan u tagay arrimaha nabbadda magaaladaasi, waana in ay bulshada ku dhaqan oo idil ay ka qayb qaataan nabbadeynta magaalada Gaalkayo.

Ugu danbeyn Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay ee arrrimaha Soomaaliya, Michael Keating ayaa walaac ka muujiyey xaalada abaraha ee ku dhuftay qaybo badan oo dalka kamida ah, wuxuuna xusay in Qaramada Midoobay ay diyaar la tahay iney ka jawaabto baahidaas beni’adanimo balse dawlada Soomaaliya iyo maamulada laga donayo in ay diyaariyaan jawi dadkaasi lagu gaari karo.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo sheegay in maanta la soo gabo gabeynayo doorashooyinka Aqalka Hoose

Next Post
Doorashada aqalka hoose oo saaka ka bilaabaneysa Kismaayo iyo Baydhaba

Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo sheegay in maanta la soo gabo gabeynayo doorashooyinka Aqalka Hoose

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO(AFGOOTE):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose ku qabtay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta,...

Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 71-aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay...

Guddoomiye Muungaab Oo Xarigjaray Dayactirka Dugsiga WaxarCadde

Guddoomiye Muungaab Oo Xarigjaray Dayactirka Dugsiga WaxarCadde

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga...

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (ICA Somalia) ayaa sheegtay inay horumar weyn ka samaysay geedi socodka soo saarista baasaboorka Soomaaliga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In