Wednesday, November 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha degmada Waaberi oo ku baaqay in laga wada qeyb qaato amniga iyo nadaafadda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Olole Nadaafadeed oo ka bilowday qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha degmada Waabari ee gobolka Banaadir Mudane Xuseen Maxamed Culusow oo dhawaan la wareegay xilka guddoomiyenimo ayaa ugu horeyn ugu baaqay bulshada ku dhaqan degmada in ay ka qayb qaataan horumarka degmada isla markaana ay maamulkiisa ku garab istaagaan xoojinta amniga iyo kor u qaadista nadaafadda isla markaana ay u hogaansamaan awaamirta maamulka ka soo baxaysa.

Guddoomiyaha degmada Waaberi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa yiri “Anigu saddex maalin ayaan xafiiska joogaa, horana waan ugu baaqay haddana waan ku daraa, waxaan ka codsanayaa shacabka degmada in ay maanulka la shaqeeyaan ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan, nadaafadu waa qodobka noogu muhiimsan”.

Related posts

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

November 5, 2025
Taliyaha CXDS “howlgallada ‘Kaaha Waaberi’ iyo ‘Ileys’ ayaa si weyn u naafeeyay Khawaarijta”.

Taliyaha CXDS “howlgallada ‘Kaaha Waaberi’ iyo ‘Ileys’ ayaa si weyn u naafeeyay Khawaarijta”.

November 5, 2025

Guddoomiyaha degmada oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa iyo saraakiisha ciidanka amniga degmada ayaa kormeeray waddada Via Liberia oo maanulku ka sameeyay howlgal looga qaadayo ganacsiga waddada dhex deeda soo galay, iyadoo amar lagu siiyay bulshada in waddada aysan ku ganacsan.

“Waddada Liberia waxaa ay ka mid tahay waddooyinka muhiimka ah ee degmada waxaa jira dad ku dhex ganacsada, bilic ahaan iyo amni ahaanba uma wanaagsana waxaan u sheegeynaa dadkaas in ay ka waantoobaan”ayuu yiri Guddoomiye Xuseen.

Taliska ciidanka ilaallada degaanka ee degmada Waabari ayaa digniin u diray dadka dhismayaasha sharci darada ah ay uga dhisan yihiin degmadaas, waxaana uu sheegay qofkii mudo 10 cisho gudahood ah aan u hugaansamin amarka in laga bur burin doono dhismayaasha sharci darada ah .

 

 

Previous Post

Xildhibaan Nadiifo Aadan oo sheegtay inay ka qeyb qaadan doonto u gurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen

Next Post

Guddiga abaaraha Puntland oo baaq u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Next Post
Guddiga abaaraha Puntland oo baaq u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Guddiga abaaraha Puntland oo baaq u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed "SAWIRRO"

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

November 5, 2025
0

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar, iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa...

Taliyaha CXDS “howlgallada ‘Kaaha Waaberi’ iyo ‘Ileys’ ayaa si weyn u naafeeyay Khawaarijta”.

Taliyaha CXDS “howlgallada ‘Kaaha Waaberi’ iyo ‘Ileys’ ayaa si weyn u naafeeyay Khawaarijta”.

November 5, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa sheegay in muddadii u dhaxeysay 2022 illaa 2025...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo su’aalo laga weydiiyey dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo su’aalo laga weydiiyey dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

November 5, 2025
0

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay warbixin muujinaysa guulo la taaban karo oo laga gaaray dagaalka ka dhanka...

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

November 4, 2025
0

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dhankiisa xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go'antahay xoojinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In