Friday, May 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha “Waxbarashadu waa maalgashiga ugu muhiimsan ee shacabka iyo Aasaaska mustaqbalka.”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 26, 2016
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xariga ka jaray Jaamicada Farsamada Gacanta ee Boliteknico oo ah goobtii uu Madaxweynahu wax ku soo bartay, isla markaasna ka soo noqday Macalin oo uu qiimaha waxbarashada ka soo bartay.

Madaxweynaha oo ka hadlayey muhiimada waxbarashada ayaa hoosta ka xariiqay sida noloshu u tahay waxbarasho. Madaxweynaha ayaa yiri “Inta badan macalimiintu inay wax-bartaan lama aaminsana, laakin nolosha ayaa ah mid marwalba wax laga barto. Waxbarashadana ma laha waqti kooban. Markaan macalinka ahaa ayaan waxbarashada sii kororsaday oo aan fahmay in waxbarashadu ay kaalin mug leh ka qaadato nolosha waqti walba.”

Related posts

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 8, 2025

Wasiiru Dowlaha Beeraha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Siri Lanka

May 8, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud oo ka hadlay sida dalku ugu baahanyahay waxbarashada farsamada gacanta ayaa yiri “Jaamicadan Farsamada Gacanta ee Bolitekniko waxaa lagu bartaa barnaamijyo wax tar u leh bulshada, xirfadaha shaqo abuurka oo keeni kara in qoysaska laga masaruufo isla markaasna dhaqaalaha dalka wax u tara. Maanta waa waqtiga uu dalku ugu baahi badanyahay in dhalinteenu ay helaan waxbarasho farsamada gacanta ah oo u suurtogeliya dhalintu inay soo bandhigaan xirfadahooda iyo hab-curuntooda oo keeni kara shaqo abuur.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa uga hadlay isla markaasna xasuusiyey shacabka in dalka uu horumar ballaaran ku tallaabsaday 4 tii sano ee la soo dhaafay. Madaxweynaha ayaa yiri “Markaad maanta fiiriso magaalada Muqdisho iyo sida ay aheyd 4 sano ka hor oo Al-Shabaab ay magaalada inteeda badan heysteen, dowladana aysan hay’adahoodu si wanaagsan u shaqeyneynin oo aan heysanay garoonka diyaaradaha oo aad u koobnaa, Iskoolada iyo Jaamicadaha intooda badan ay xirnaayeen iyo maanta oo aad aragtaan horumarka baaxada leh waa mid nooga baahan inaan ku sii adkeysano sidii horumarkaas loo joogteyn lahaa. Markaan xilka la wareegay howlaha na horyaalay aad bey u badnaayeen, oo aan sameynay qorshe iyo istraatejiyad aan mudnaanta ku siinay in amniga la xoojiyo, iyo inaan dariiqa dimoqraadiyada u horseedno dalka.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar ballaaran ee dhanka siyaasada, horumarka, waxbarashada, caafimaadka, amniga iyo nabadeynta, loona baahanyahay in dadaalkaas la sii labojibaaro oo dhalinyarada loo abuuro fursado shaqo ay nolol maalmeedkooda ku dabaran karaan.

Madaxweynaha oo ka hadlayey qorsheyaashiisa mustaqbalka ayaa yiri “Waxaan si xoogan u aaminsahay in 4tii sano ee hore aan dhisnay aasaas xoogan ee dhanka siyaasada ah, oo rajo weyn na gelineysa in 4ta sano ee soo socota aan xooga saari doono dhalinyarada iyo sidii shaqo loogu abuuri lahaa. Tanoo macnaheedu yahay inaan u baahanahay waxbarasho tayo leh iyo shaqooyin, sida inaan waxbarashada tayeyno, qof walbana uu helo waxbarasho heerarkeedu kala duwan yahay si muwaadin walba uu wax u qori karo waxna u akhrin karo iyo inaan dhisno kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, guryahay, Iskuulada iwm.”

Madaxweynaaha oo ka hadlayey waxbarashada mustaqbalka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada Iskuulada farsamada gacanta si loo helo dhalinyaro leh xirfado muhiim u ah koboca dhaqaalaha. Madaxweynaha ayaa yiri “Waa inaan maalgashanaa waxbarasho noo horseeda horumarka dhaqaalaha dalka. Tanoo ah in waxbarashada farsamada gacanta ay keeneyso in dhalintu ay shaqo abuurtaan, lana yimaadaan hab-curin keeni kara inay ganacsi furtaan. Waxbarashaduna waa inay taageertaa dib u dhiska dalka iyo koboca dhaqaalaha. Waana inay noo horseedaa in Soomaaliya ay la tartami karto caalamka oo dhalinteenu ay dhanka teknolojiyada ka horumaraan si looga maarmo dadka shisheeyaha ee dalka ka shaqeeya. Waxbarashadu waa inay taageertaa sidii beeraha loo tabci lahaa, kalluunka loo soo saari lahaa, gaadiidka iyo korontada loo hagaajin lahaa. “

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa ballanqaaday in 4ta sano ee soo socota uu xooga saarayo sidii waxbarashada loo tayeyn lahaa iyadoo ah furaha horumarka dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay inuu xooga saari doono arrimahan:

1. In miisaaniyad loo qoondeeyo tayeynta waxbarashada oo gabdhaha iyo wiilashaba wax la baro.
2. In gabdhaha lagu dhiiri geliyo inay aadaan iskuulada oo ay waxbartaan; In macalmiinta tababar kor loogu qaadayo xirfadahooda la siiyo, in la dhiso Iskuulo badan oo ay ku jiraan kuwa farsamada gacanta.
3. In la maalgeliyo xarumo farsamada gacanta si loo kobciyo dhaqaalaha oo dhalinyarada ay u helaan shaqooyin cusub oo joogto ah. Dowladeyduna waxey xooga saari doontaa Iskuulada farsamada gacanta. Tanoo xirfad siin doonta dhalinteena.

Previous Post

Madaxweynaha oo xarigga ka jaray xarunta Seyniska iyo Tiknoolajiyadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed+Sawirro

Next Post

Sawiro:Danjire Jamaal ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Next Post
Sawiro:Danjire Jamaal ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Sawiro:Danjire Jamaal ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 8, 2025
0

kulanka 11-aad ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada...

Wasiiru Dowlaha Beeraha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Siri Lanka

May 8, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed, ayaa ka qeybgalay shirweynaha 4aad ee heer Wasiireed ah oo ay qabatay Hay’adda...

Ciidamada ammaanka iyo Maamulka Degmada Matabaan oo ku baxay daminta colaad beeleedyo ka soo cusboonaaday deegaanno hoos taga degmadaas

Ciidamada ammaanka iyo Maamulka Degmada Matabaan oo ku baxay daminta colaad beeleedyo ka soo cusboonaaday deegaanno hoos taga degmadaas

May 8, 2025
0

Ciidamada ammaanka ee ka tirsan Nabad Sugidda (NISA), Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo Maamulka Degmada Matabaan, ayaa si degdeg ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay wafdi ay hoggaamineyso madaxa Dowladda Ingiriiska ee arrimaha Afrika iyo America

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay wafdi ay hoggaamineyso madaxa Dowladda Ingiriiska ee arrimaha Afrika iyo America

May 8, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Ahmed Moallim Fiqi ayaa la kulmay Danjire Harriet Mathews oo ah Agaasimaha Guud...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In