Ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa gacanta ku soo dhigay miinoyin kooxda UGUS ay ku uruursanayeen degaan ka Ceelgaal ee hoos yimaada magaalada Beledweyne.
Saraakiisha ciidamada ee howgalkan fuliyay ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan in miinoyinkan ay maleeshiyada Al-Shabaab ku aruurinayeen goob kamid ah deegaanka Ceelgaal,
Taliyaha ciidanka Nabad Sugidda ee Gobolka Hiiraan Xasan Kaafi Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in soo qabashada qaraxyadan ay gacan ka geysteen dadka deegaanka, isagoo uga mahadceliyay sida ay ula shaqeeyaan laamaha ammaanka.
Ciidanka booliska ee miina barista ayaa ku guleystay in ay qaraxyadan ka soo saaran goobta lagu qarinayay ee godka ah, iyadoo aan qarxin.
Jeneraal Cumar dheere oo ka mid ah guddiga amniga gobolka ayaa u mahadceliyay ciidamada howgalkan ku soo guuleystay.
Sarakisha ciidamada howgalkan fuliy ayaa shegay in Kooxda UGUS ay qarax yadan in mudo ah ay ku aruurinayeen deganka, isla markaan dadaal dheer oo ay sameyeen ciidamada qalabka sida lagu guleystay in la soo qabto qaraxyadan .