Waxaa goor dhow ka furmay xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho shir looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka Dalka Soomaaliya.
Kulankan ayaa waxaa ka qayb galaya Guddoomiha Baarlamanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan (jawaari) iyo Wakiilka Qaramada midoobay ee Soomaaliya Michael keating,iyadoo gorfeynaya sidii loo dhammaystiri lahaa inta harsan doorashooyinka Aqallada sare iyo hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.