Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mohamed Ali Ahmed iyo Danjiraha Midowga Yurub u Jooga Jabuuti Adam Kolash ayaa ka wada hadlay Xoojinta iskaashiga iyo wax wada qabsiga laba dhinac.
Kulan labadan mas’ul maanta ku dhaxmaray magaalada Jabuuti ayaa la sheegay inay uga wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen Iskaashiga dhinacyada awoodda tamarta, biyaha, horumarinta dhaqaalaha ,amniga iyo qodobo kale.
Danjiraha Mikdowga Yurub ee Jabuuti ayaa kulankaasi ku ballanqaaday inuu sii dardar gelin doono sii horumarinta iskaashiga ka dhaxeeya dowladda Jabuuti iyo Midowga Yurub.
Ugu dambeystii Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mohamed Ali Ahmed ayaa munaasabadaa ka sheegay in Sanadahan dambe uu sii xoogaystay Cilaaqaadka uu dalkiisu la leeyahay Midowga yurub.