Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Booliiska iyo wasiirka Maaliyadda oo ka qeyb-galay bandhigga toddobaadlaha ee Booliiska+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Booliiska iyo wasiirka Maaliyadda oo ka qeyb-galay bandhigga toddobaadlaha ee Booliiska+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
Taliyaha ciidammada Booliiska Soomaaliyeed iyo wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, ayaa maanta ka qeyb-galay bandhigga toddobaadlaha ee ciidammada Booliska oo ka dhacay Akadeemiyadda Tababarrada Booliiska Soomaaliyeed.
Bandhiggaan ay ciidammada Booliisku sameeyaan toddobaad walba ujeedadiisu waa in dhiiragelin, tallo bixin iyo isla-xisaabtanka ciidanka uu sameeyo hoggaanka sare ee ciidanka, waxaana lagu qabtaa xarunta tababarrada Booliiska ee Jeneraal Kaahiye, iyadoo ciidammo dhallinyaro soo dhammeysatay dugsiyada sare oo qaatay tababarro ay soo bandhiggeen Dhoola-tus qurux badan, sida Gaadda ka cayaar iyo sawir muujinaya qaab dhismeedka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyadoo kooxda Fanaanniinta ee Heeganna ay soo bandhigeen Heeso waxqabadka Booliiska ka hadlaya.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim Fargeeti oo uu wehliyey xidhibaan Muuse Suudi (Yalaxoow) ayaana ka mid ahaa daawadeyaasha bandhigga, waxaa sidoo kale joogey bandhigga dhammaan taliyeyaasha hoggaannada iyo qeybaha Booliiska Soomaaliyeed.
Taliye ku xigeenka  Akadeemiyada Booliiska Soomaaliyeed G/sare Muqtaar Gaaboow Xasan, ayaa sheegay in ciidammada Akadeemiyada ku sugan ay yihiin dhallinyaro waxbaratay, isla markaana diyaar u ah in ay u tababartaan sidii ay ugu adeeggi lahaayeen bulshadooda, dugsigaanna uu yahay midka kaliyah ee soo saara ciidan u carbiyeysan gudashada waajibaadka Qaran iyo sharuucda dalka.
Xildhibaan Muuse Suudi oo ka mid ah Aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya, ayaa ku ammaanay hoggaanka ciidanka Booliiska isbaddelka weyn ee uu ku sameeyey dhismaha iyo tayada ciidanka, waxa uu ku yaboohay hal neef Geel ah oo lagu dhiiragelinayo ciidanka ku sugan Akadeemiyada Booliiska.
“ciidammada Booliska Sawirka aan ka heystay wax ka qurux badan ayaan halkaan ku arkay, waxaan ku ilaaway xitaa culeyska masuuliaydda i saaran, sidaa daraadeed waxaan ku yaboohayaa Laba Neef oo Geel ah iyo lacag loogu talo-galay Kooxda Fanka ee Heegan, sidoo kale miisaaniyadda sannadka soo socda ee 2017-ka waxaa lagu dari doonaa ciidammada cusub ee Booliiska ku soo biiray, sanandkaan waxaan bilownay in mushaaraaxdka lagu bixiyo darajada ciidanka uu ku kala sarreeyo iyo Nidaam Electonic casri ah in lacagahooda lagu siiyo” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya
Taliyaha ciidammada Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo bandhiggaan toddobaad walba ka qeyb-gala, ayaa sheegay in ciidammada Booliiska looga baahan yahay in ay tusaan bulshadooda sida ay ugu diyaarsan yihiin u adeegiddooda, waxa uu sheegay in muhiimadda koobaad ay tahay anshaxa ciidanka iyo sarreysiinta sharciga dalka, Taliye Xaamud, ayaa lacago abaalmarin ah siiyey dhallinyaradii hoggaamineysay Gaadda ka cayaarka iyo macallintooda, waxa uu sidoo kale si gaar ah abaalmarin u guddoonsiiyey qeybta Music-ga ee  Kooxda Heegan.
Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed  ayaa isu diyaarinaya xuska sannad-guurada 73-aad ee Ciidammada ugu faca weyn dalkeenna ee Booliiska Soomaaliyeed, kuwaas oo Taariikh dheer ku leh dalka, waxaana muddooyinkan dambe socdey isbaddel dhan walba ah oo lagu tayeynayo ciidanka.
unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed (15) unnamed (16) unnamed
Previous Post

Shan xildhibaan oo maanta lagu doortay magaalada Jowhar.

Next Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In