Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 3, 2016
in Keyd Hore, Wararka
0
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 03 December 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Doorashooyinka xildhibaanada oo heer gabo-gabo maraya, Hay’ada Socdaalka oo bilowday qorshe xaduudaha dalka looga furo xafiisyadii hay’ada, Maxkamada Sare oo bilowday Qorshe lagu mideynayo Maxkamadaha Dalka, Madaxweynaha oo xariga ka jaray Kuliyada Farsamada Gacanta, Qorshaha Horumarinta Qaranka oo la gaarsiinayo gobollada dalka, Ciidanka oo la wareegey deegaano hoostaga Mahaday, Ciidanka Nabadsugida oo gacanta ku dhigay miinooyin ay Al-Shabaab aaseen, Dib-u-heshiisiin la dhaxdhigay beelo ku dagaalamay gobolka Hiiraan, Ciidanka Dowladda oo gacanta ku dhigay shaqsi waday gaari qarax geystey iyo Ciidanka Danab oo 7 Al-Shabaab ah ku dilay howlgal Qorsheysan oo ay ka fuliyeen Qoryooley

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025

Doorashooyinka Xildhibaanada oo heer gabo-gabo maraya

Doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si xowli ah uga socota dalka oo maraya heer gabogabo ah. 30kii November 2016 ayaa doorashooyinkii ka bilowdeen Muqdisho oo ah goobtii ugu danbeysey. Gudoomiye Ku xigeenkii labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa noqday shaqsigii ugu horreeyey ee lagu doortay Muqdisho iyadoo la filayo inta harsan in la soo dhameystiri doono dhowaan.

Hay’ada Socdaalka oo bilowday qorshe xaduudaha dalka looga furo xafiisyadii hay’ada.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya waxay howlgalineysaa Xarumihii xafiisyada Socdaalka uu ku lahaa dalka si loola socdo dhaqdhaqaaqa xaduudaha soo galid iyo ka bixid. Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/Sare Koofi ayaa tababar u furay shaqaale loogu talagalay in ay ka howlgalaan xarumaha Hay’adda ee Xaduudaha dalka. Shaqaalaha tababarka loo furay ayaa waxaa ay si buuxda uga howlgali doonaan Xafiisyada Socdaalka ee Xuduudaha, iyagoo kontorooli doona dhaqdhaqaaqa xaduudda iyo la socodka ajaanibta dalka ka soo galaya dhanka xaduudda.

Maxkamada Sare oo bilowday Qorshe lagu mideynayo Maxkamadaha Dalka

Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa sheegtay iney billowdeen qorshe lagu tayeynayo Maxkamadaha dalka, xilli Guddoomiyaha Maxkamadda Sare & Xeer Ilaaliyaha Guud ay socdaal ku tageen Kismaayo. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Saleebaan oo uu wehliyo Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta Maxkamadaha Jubbaland ee heer gobol iyo heer degmo waxaana uu sheegay inay qorsheynayaan mideynta, tayeynta iyo isku xirka Maxkamadaha dalka, iyadoo qorshaha koowaadna haatan laga billaabayo Dowlad-goboleedka Jubbaland. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa guddoonsiiyey Guddoomiyaha Maxkamadda Jubbland iyo xeer Ilaaliyahaba Buug muhiim u ah howlaha garsoorka ay bulshada u hayaan Maxkamadaha.

Madaxweynaha oo xariga ka jaray Kuliyada Farsamada Gacanta

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa 26kii November 2016 xariga ka jaray Jaamicada Farsamada Gacanta ee Boliteknico oo ah goobtii uu Madaxweynahu wax ku soo bartay, isla markaasna ka soo noqday Macalin oo uu qiimaha waxbarashada ka soo bartay. Madaxweynaha oo ka hadlayey muhiimada waxbarashada ayaa hoosta ka xariiqay sida noloshu u tahay waxbarasho.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud oo ka hadlay sida dalku ugu baahanyahay waxbarashada farsamada gacanta ayaa yiri “Jaamicadan Farsamada Gacanta ee Bolitekniko waxaa lagu bartaa barnaamijyo wax tar u leh bulshada, xirfadaha shaqo abuurka oo keeni kara in qoysaska laga masaruufo isla markaasna dhaqaalaha dalka wax u tara. Maanta waa waqtiga uu dalku ugu baahi badanyahay in dhalinteenu ay helaan waxbarasho farsamada gacanta ah oo u suurtogeliya dhalintu inay soo bandhigaan xirfadahooda iyo hab-curuntooda oo keeni kara shaqo abuur.
Madaxweynaaha oo ka hadlayey waxbarashada mustaqbalka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada Iskuulada farsamada gacanta si loo helo dhalinyaro leh xirfado muhiim u ah koboca dhaqaalaha.

Qorshaha Horumarinta Qaranka oo la gaarsiinayo gobollada dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa 28kii November 2016 gudoomiyay kulan wadatashi ah oo u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka kaas oo ku saabsanaa hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka (QHQ). Mudane Carte ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in maamul goboleedyada laga la tashto hirgelinta QHQ. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay Wasiirka iyo Wasaradda Qorsheeynta Qaranka iyo Wasiirada Wasaaradaha Qorsheeynta ee maamul goboleedyada, wuxuuna ku bogaadiyay wada shaqeeynta ka dhaxeysa.

Ciidanka oo la wareegey deegaano hoostaga Mahaday

Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo kaashanayo kuwa AMISOM ayaa 28 kii November 2016 la wareegay deegaano hoostaga dagmada Mahaday oo ay ku dhuumaaleysanayeen kooxda Al-Shabaab. Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa iska caabin ku sameeyey weerar gaadmo ah oo ay Mahaday kusoo qaadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dhibaato la damacsanaa shacabka ku deegaanka.

Ciidanka Nabadsugida oo gacanta ku dhigay miinooyin ay Al-Shabaab aaseen

Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa gacanta ku soo dhigay miinoyin kooxda Al-Shabaab ay ku uruursanayeen degaan ka Ceelgaal ee hoos yimaada magaalada Beledweyne. Saraakiisha ciidamada ee howgalkan fuliyay ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan in miinoyinkan ay maleeshiyada Al-Shabaab ku aruurinayeen goob kamid ah deegaanka Ceelgaal. Taliyaha ciidanka Nabad Sugidda ee Gobolka Hiiraan Xasan Kaafi Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in soo qabashada qaraxyadan ay gacan ka geysteen dadka deegaanka, isagoo uga mahadceliyay sida ay ula shaqeeyaan laamaha ammaanka.
Ciidanka booliska ee miina barista ayaa ku guleystay in ay qaraxyadan ka soo saaran goobta lagu qarinayay ee godka ah, iyadoo aan qarxin.

Dib-u-heshiisiin la dhaxdhigay beelo ku dagaalamay gobolka Hiiraan

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu ku guuleystay in uu kala qaado maleeshiyo beeleed maalmahan ku dagaalamayey Duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali jeyte Cismaan, Gudiga amniga, odayaasha dhaqanka, Saraakiisha ciidanka booliiska iyo Kuwa AMISOM ayaa 27kii November 2016 ku baxay deegaanka uu dagaalka Ku dhax marayey labada Maleeshiyo beeleed ayagoo ku guuleystay in ay kala qaadaan Maleeshiyaadkii isku horfadhiyey duleedka Magaalada Baladweyne.

Ciidanka Dowladda oo gacanta ku dhigay shaqsi waday gaari qarax geystey

Gaari nuuca raaxada ah ayaa 26kii November 2016 ku qarxay aga-gaarka suuqa Beerta ee wadada Afasiyoone ee magaalada Muqdisho. Laamaha amniga ayaa xaqiijiyay inay gacanta ku dhigeen ninkii watay gaariga is qarxiyey, isaga oo dhaawac ah, kaasi oo iminka ku socoto howlo baaritaanno ah.

Ciidanka Danab oo 7 Al-Shabaab ah ku dilay howlgal Qorsheysan oo ay ka fuliyeen Qoryooley

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed gaar ahaan Ciidanka Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay habeenkii 24ka November 2016 Deegaan ka tirsan degmadda Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu burburiyay saldhig kooxda Al-Shabaab ay kaga qaadi jireen Dadka Deegaankaasi lacago sharci darro ah, waxaana goobtaasi lagu dilay 7 Alshabaab iyo Horjoogihii Kooxdaasi. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Danab ayaa howlgalo joogta ah kawada deegaanada Kooxda Argagixisada Alshabaab ay ku dhuumaaleysanayaan, iyagoo u geysaty dhabar jab Xoogan Codowga Umada Soomaaliyeed.

unnamed (1)  unnamed (3) unnamed (4)  unnamed unnamedunnamed (5)unnamed (2)

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA: Damaashaadka Jimcaha ee xeebta Liido

Next Post

Xuska Maalinta Naafada adduunka oo ka socoto Muqdisho

Next Post
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo La Kulmay Naafadda Iyo Barakacayaasha Ku Dhaqan Gaalkacyo “Sawirro”

Xuska Maalinta Naafada adduunka oo ka socoto Muqdisho

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In