Wednesday, August 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska dhalashada Nabigeenna Muxamed N.N.K.H oo lagu qabtay Waqooyiga Norway

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 10, 2016
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu xusayay dhalashada Nabigeenna Muxamad N.N.K.H ayaa xalay lagu qabtay masjidka Al.Raxma ee magaalada Tromsø ee Woqooyiga Norway.

Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabiyeen culimaa’udiinka ku nool magaalada Tromsø ayaa waxaa si wayn uga soo qeyb galay dad aad u farabadan oo kamid ah muslimiinta ku nool magaalada iyo tuulooyinka ku dhow,  waxaana munaasabadda lagu soo bandhigay muxaadarooyin diini ah oo u badnaa ka hadalka fadliga ay leedahay xurmeynta iyo weyneenta bisha mowliid oo ah xilligii uu dhashay Nabigeenna Muxamad SCW.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

August 26, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

August 26, 2025

Culimaa’udiinkii goobta ka hadlay oo ay kamid ahaayeen Macalin Maxamed Axmed, Sheekh Ismaaciil Macallim Axmed  iyo Macalim Saalax  Cusmaan ayaa  ku guubaabiyey Ummadda Soomaaliyeed iyo dadkii kale ee kasoo qeybgalay in muhim ay tahay in lagu daydo sunnada nabigeenna suubban oo aad loo xuso maalinta uu dhashay taasoo muujinaysa jaceylka ay dadkiisa u qabaan rasuulka SCW.

Waxa sidoo kale ay culumada aqriyeen taariikhdii Nabigeenna SCW iyo doorka qofka muslimka ah looga baahanyahay fidinta diinta islaamka oo ah diin nabadeed.

Bisha mowliid sanad kasta waxaa dunida laga xusaa xilligii uu dhashay Nabigeenna suubban Muxamad CSW, waxaana ay dadweynaha muslimiinta ah ay iyagoo faraxsan isugu soo baxaan masaajidada iyo goobo kale oo loo asteeyey in lagu xuso 12ka bisha mowliid.

W/D Maxamed Cabduqaadir Daahir (MCD)

 

 

 

Previous Post

Doorashada Aqalka Hoose ee Hirshabeelle oo lasoo gaba-gabeeyey

Next Post

Cabdishakuur Cali Mire oo ku soo baxay doorashada Cadaado

Next Post

Cabdishakuur Cali Mire oo ku soo baxay doorashada Cadaado

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

August 26, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo Ganeraal Sebahattin Kalkan, Taliyaha Ciidanka Turk-Som, ayaa gaarey deegaanno...

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

August 26, 2025
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta safar dhulka ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

August 26, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Gobolka Ningxia, ahna Xoghayaha...

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

August 26, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa maanta kormeeray waddada Buundooyinka oo isku xirta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In