Safiirla Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire. Jamaal Maxamed xasana ayaa a qeyb galay Mashruuc bulshada Soomaaliyeed looga wacyi gelinayo dhanka sharciga oo ka furmay Xaafadda Islii ee Magaalada Narobi.
iyadoo maanta ay ku beegantahay maalinta caalamiga ah ee xaquuqda aadanaha ayaa waxaa xaafada islii ee magalada nairobi lagu qabtay mashruuc talo siin ah oo bulshada Soomaaliyeed looga wacyi gelinayo xaquuqda dhanka sharciga ee ay leeyihiin iyo wax yaabaha looga baahanyahay.
Mashruucani oo ahaa mid lacag la aan ah oo dadka ku dhaqan xafadda Islii lagala talinayo aimaha la xiriira xaquuqda dhanka sharciga ayaa waxaa iska kaashaday safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya,gudiga qareenada gobalka waqooyi bari iyo hay’adda qaxootiga Norway oo loo soo gaabiyo NRC.
Waxaana furitaankii mashruucani ka qeyb galay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan iyo qaraanno Soomaaliyeed iyo sidoo kale dadweyne aad u fara badan oo ka faa’ideysanayay mashruuca la talinta dhanka dharciga.
Gudoomiyaha gudiga qareenada gobalka waqooyi bari Cabdinaasir Aadan ayaa waxa uu ka warbixiyay muhimada barnaamijka isagoo ka codsaday shacabka ku dhaqan xaafadda Islii inay ka qeyb galan wacyigelinta dhanka sharciga ee loo sameynayo bulshada.
“howshan aan ka heyno xaafadda Islii waxay tahay inan talo ka siino arimaha sharciga si meesha looga saaro dhabatoyinka ay kala kulman boliska waxana u mahadcelinaynaa Danjire .Jamal, waxana idinka codsanaynaa wax lacag ah idinkama rabno inad nagala soo qeyb galashan oo aad ka faa’ideysatan talooyinka iyo buugaagta sharciga ee aan ugu talo galnay inan bulshada u qeybino” ayuu yiri Cabdinaasir Aadan.
Danjire .Jamaal Maxamed Xasan oo furitankii mashruuca hadal kooban ka jeeyay ayaa soo dhaweyay in shacabka Soomaaliyeed laga caawiyo isla markaana talooyin laga siiyo dhanka sharciga isagoo ku baaqay in laga faa ideysto.
“sida aad aragtaan halkan waxaa yaala warqado iyo docomentiyo fara badan oo loogu talo galay dadka Soomaaliyeed in looga faa’ideeyo dhanka sharciga iyo wixi ku saabsan xaquuqda ay leeyihiin hadii ay noqon lahaayen qaxooti ama dadka dalka dagan ama ganacsato waxan rabaa inan u mahadceliyo qareenada Soomaaliyeed iyo hay’adda NRC oo iskui xilsaaray inay dadka caawiyaan, docomentiyadana waxa uu ku tusinayaa qofka waxa laga caawin karo,dadka magaladan dagana waxan ku dhiiri gelinayaa inay kasoo qeyb galan barnaamijkan si ay u bartaan xaquuqda ay leeyihiin” ayuu yiri Danjire Jamaal.