Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha dalka oo shacabka ugu baaqay in dagaalka Al-Shabaab ay u midoobbaan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha dalka oo shacabka ugu baaqay in dagaalka Al-Shabaab ay u midoobbaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed mar kale in ay u midoobbaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxa uuna tacsi u diray dadkii ku waxyeelloobay qaraxii ka dhacay agagaarka Dakedda Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu horreyn tacsi wadajir ah u diray shacabka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada ka soo gaartay Qaraxa aragagixiso ee ka dhacay goob dad masaakiin ay ku sugnaayeen oo ku dhow dakedda Muqdisho iyo ciidammadii amniga sugayey ee ay waxyeellada soo gaartay iyaguna, waxaa uu EEBBE uga barayey in uu Jannadiisa geeyo kuwii dhintay, dhaawacyaduna ay dhaqsi u bogsadaan.

Related posts

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

August 30, 2026
Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

August 30, 2026

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan oo ay sii laba-laabbaan dagaalka caalamiga ah ee ay kula jiraan argagixisada, isagoo sheegay in heerka dhimashada ay marayaan kooxahaasi, loona baahan yahay in ciidanka Qaranka lagu gacan siiyo dagaalladaasi, si dalkeenna iyo dadkeenna aan uga ilaalinno sharwadaasha ayuu raaciyey madaxweynaha hadalkiisa.

Madaxweynaha J. Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ciidammada Qalabka Sida ku ammaanay doorka adag ee ay ka qaadanayaan sidii looga hortagi lahaa nabad-diidka, isagoo ku boggaadiyey ciidankii Amniga ee ka hortagay gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyey xili uu ku sugnaa duleedka caasimadda Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa ka soo laabtay safar laba maalmood ah oo uu dalka Ethiopia ku tagay, halkaas oo uu uga qeyb-galay shirka Madaxweyneyaasha IGAD ee 29-aad, shirkaas oo Soomaaliya si weyn loogu ammaanay horumarrada ay sameysay iyo guulaha laga gaaray doorashooyinka dalka ka socda.

Previous Post

Guddiga Doorashooyinka(GFHDD): “ma aqoonsan doono natiijada kuraasta hannaanka lagu doortay aysan waafaqsaneyn xeerka doorashooyinka”

Next Post

Madaxweynaha dalka oo cambaareeyey weerarkii Istanbul

Next Post
Madaxweynaha oo xarigga ka jaray xarunta Seyniska iyo Tiknoolajiyadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed+Sawirro

Madaxweynaha dalka oo cambaareeyey weerarkii Istanbul

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoonka Golaha Haweenka...

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa maanta soo gebagabeysay tababar muddo 14 maalmood ah socday, kaas oo lagu baranayey diyaarinta iyo...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In