Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha dalka oo shacabka ugu baaqay in dagaalka Al-Shabaab ay u midoobbaan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 11, 2016
in Wararka
0
Madaxweynaha dalka oo shacabka ugu baaqay in dagaalka Al-Shabaab ay u midoobbaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed mar kale in ay u midoobbaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxa uuna tacsi u diray dadkii ku waxyeelloobay qaraxii ka dhacay agagaarka Dakedda Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu horreyn tacsi wadajir ah u diray shacabka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada ka soo gaartay Qaraxa aragagixiso ee ka dhacay goob dad masaakiin ay ku sugnaayeen oo ku dhow dakedda Muqdisho iyo ciidammadii amniga sugayey ee ay waxyeellada soo gaartay iyaguna, waxaa uu EEBBE uga barayey in uu Jannadiisa geeyo kuwii dhintay, dhaawacyaduna ay dhaqsi u bogsadaan.

Related posts

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan oo ay sii laba-laabbaan dagaalka caalamiga ah ee ay kula jiraan argagixisada, isagoo sheegay in heerka dhimashada ay marayaan kooxahaasi, loona baahan yahay in ciidanka Qaranka lagu gacan siiyo dagaalladaasi, si dalkeenna iyo dadkeenna aan uga ilaalinno sharwadaasha ayuu raaciyey madaxweynaha hadalkiisa.

Madaxweynaha J. Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ciidammada Qalabka Sida ku ammaanay doorka adag ee ay ka qaadanayaan sidii looga hortagi lahaa nabad-diidka, isagoo ku boggaadiyey ciidankii Amniga ee ka hortagay gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyey xili uu ku sugnaa duleedka caasimadda Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa ka soo laabtay safar laba maalmood ah oo uu dalka Ethiopia ku tagay, halkaas oo uu uga qeyb-galay shirka Madaxweyneyaasha IGAD ee 29-aad, shirkaas oo Soomaaliya si weyn loogu ammaanay horumarrada ay sameysay iyo guulaha laga gaaray doorashooyinka dalka ka socda.

Previous Post

Guddiga Doorashooyinka(GFHDD): “ma aqoonsan doono natiijada kuraasta hannaanka lagu doortay aysan waafaqsaneyn xeerka doorashooyinka”

Next Post

Madaxweynaha dalka oo cambaareeyey weerarkii Istanbul

Next Post
Madaxweynaha oo xarigga ka jaray xarunta Seyniska iyo Tiknoolajiyadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed+Sawirro

Madaxweynaha dalka oo cambaareeyey weerarkii Istanbul

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa hey’adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

July 3, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa soo gaaray dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In