Roobabkii xilliga deyrta oo aan si wanaagsan uga di’in degaanada dhulka Miyiga ee Gobolka Bakool ayaa waxa ay arrintaasi ka dhalatay Biyo la’aan daran oo saamaysay Nolosha kumanaan kun oo Xoolo dhaqato ah,
Dhulka baadiyaha ah ayaa masaafo aad u dheer xoolaha laga ka soo arooriya kuwaasoo imaanaya Ceelasha ku yaalla magaalada Xudur Ee Xaruunta Gobolka Bakool.
Qeyla-dhaan ka timid dadka ku nool baadiyaha gobolka Bakool ayaa ugu baaqay maamulka K/Galbeed, dowladda Federaalka iyo hay’adaha samafalkaba in lala soo gaaro gargaar deg deg ah.