Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Jamaal Maxamed Xasan oo ka qeybgalay shirka horumarinta xaafadda Islii+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 17, 2016
in Wararka
0
Danjire Jamaal Maxamed Xasan oo ka qeybgalay shirka horumarinta xaafadda Islii+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamal Maxamd Xasan ayaa ka qeyb galay Shirka 2-aad ee horumarinta ganacsiga Xaafada Islii oo lagu qabtay Magalada Nairobi.
 
Shirka oo ahaa kii 2 aad oo looga hadlayay horumaringa ganacsiga Soomaaliyeed ee xaafada islii ayaa waxaa ka qeyb galay danjiraha Soomaaliye ee dalka Kenya Ambasador Jamal Maxamed Xasan gudiga gacsatada Xaafada islii iyo Xubno ka socday qaar ka mid ah  bangiyada iyo shirkadaha ganacsi ee Kenya oo ayagu halkaasi kusoo bandhigay horumarka iyo waxqabadka ganacsagtada Soomaaliyeed ee xaafada islii.
 
Gudoomiyaha gudiga ganacsiga xaafada islii Ibraahim Xuseen oo ka mid ahaa mas’uliyiintii shirka ka hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyay horumarka ay ganacsatada Soomaaliyeed ka sameeyeen Kenya sanadkan dabayaaqada ah ee 2016 isagona tilmaamay inay qeyb weyn ka qaateen horumarka dhanka dhaqalaha ee dalkani Kenya.
 
“Waa inan sii balarinaa ganacsigeena oo aan bilownaa waxyaabo cusub isla markaana aan ka qeyb qaadanaa dhismaha goobaha danta guud ee isbitalada iyo iskuulada,xaafadan adinkaa iska leh waa inan horumarkeeda ka wada shaqeynaa” ayuu yiri Ibraahim Xuseen
 
Danjiraha Soomaaliya ee dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan oo gaba gabdii bandhiga halkaasi ka jeediyay hadal kooban oo uu ku bogaadinayay ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya horumarka ay ka gaareen dhanka ganacsiga ayaa waxa uu ugu baaqay inay sii balaariyaan oo ay gaarsiiyaan magaalooyinka kale ee Kenya isagoona ka dhawaajiyay in safaarada ay diiwan gelisay ku dhawaad 120 ka mid ah shirkadaha Soomaaliyeed ee ka howlgala Kenya.
 
“waxan ku dhiiri gelinayaa ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafada Islii inaad ganacsigiina aad sii balaarisaan oo aad gaarsiisaan magaalooyinka kale ee dalka, waxana muhiim ah inaad ka fakartaan sidii aad u sameyn laheydeen ganacsi kan ka balaaran,awoodeeda waad leedihiin,dhaqaalana waad u heysaan, anagu safaarad ahaan aad baan idin soo dhaweynaynaa,115 shirkado ganacso oo Soomaali ah ayaan diiwaan gelinay oo ayagu raba inay melo badan ganacsi ka sameystan anaguna wan caawinaynaa”  sidaasi waxaa yiri Danjire Jamaal Maxamed Xasan.
IMG_9871 IMG_9885 IMG_9901 IMG_9903 IMG_9907 IMG_9986
Cabdulqadir Cali Xuseen”Koronto”
​
Previous Post

Biyo la’aan baahsan oo soo wajahday Xoolo-dhaqatada Gobolka Bakool+Sawirro

Next Post

Barakacayaal ka faa’iideystay qalliin indha fiiqis lacag la’aan ah oo uu fuliyay Isbitaalka Aadan Cadde+Sawiro

Next Post
Barakacayaal ka faa’iideystay qalliin indha fiiqis lacag la’aan ah oo uu fuliyay Isbitaalka Aadan Cadde+Sawiro

Barakacayaal ka faa'iideystay qalliin indha fiiqis lacag la’aan ah oo uu fuliyay Isbitaalka Aadan Cadde+Sawiro

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In