Monday, September 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb-galay xuska 73-aad ee Booliiska Soomaaliya “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 21, 2016
in Wararka
0
DAAWO SAWIRRADA: 73 guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo taliyaha ciidammada Boliiska Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho uga qeyb-galay munaasabadda xuska 73-aad ee ciidammada Boliiska Soomaaliyeed.
Boliiska Soomaaliya waa 73  jir hadda, waa hey’ad fac weyn, munaasabadooda aas-aaska ayeey u dabaal daggeen, waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha dalka ahna taliyaha guud ee ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taliyaha ciidammada Boliiska, S/ Gaas Maxamed Xasan Sheekh Xaamuud, wasiirka Amniga Gudaha, duqa Muqdisho sarreeyeyaasha ciidanka iyo taliyeyaasha kale ee ciidammada Soomaaliya.
Qeybaha Birmadka, Saraakiisha, Gabdhaha, ciidammada Nabad-galyada waddooyinka iyo qeybo kale ayaa soo bandhigay Gaadda ka cayaar qurux badan, waxaana sanandkaan ka muuqdey Boliiska qaab dhismeed iyo isbaddel qalab oo xoog leh, madaxweynaha iyo taliyaha ciidanka ayaana salaanta wadajir u qaadanayey, Munaasadduna waxa ay ka dhacdey xarunta Gaadiidka Boliiska ee degmada C/casiis.
Sidoo kale Laanta Miina Baarista ee Boliiska ayaa soo bandhigay hababka looga hortago Qaraxyada wax dila, iyadoo Fannaaniinta Kooxda Heegan iyo fannaaniin kale ay soo bandhigeen Heeso maalintaan ka hadlaya.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, ayaa hambalyo kaddib uga mahadceliyey Boliiska gaar ahaan qeybta gobolka dedaalka ay ku bixiyaan nabadda caasimadda, maamulkuna uu ku taageerayo arrintaasi.
Taliyaha ciidammada Boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa ugu hambalyeeyey munaasbadda 73-aad Boliiska, waxa uu u mahacelieyey dhammaan hoggaannadii ciidanka soo qabtay, waxa uu ka hadlay waxyaabaha u qabsoommay sannadkii tagay, mashaariicda u hirgashay iyo aqoonyahanno cusub oo Boliiska Soomaaliya ku soo biiray, Taliyaha, ayaa sheegay in dowladda soo socota looga baahan yahay in ay miisaaniyadda ciidanka ay ku Jaangeyso baaxaddiisa, maadaama isbadel horumar uu jiro.
Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa  Hambalyo u  diray ciidanka, waxa uu si kooban ugu mahadceliyey hey’adaha kala duwan ee ciidanka Boliiska ka taageera tababarrada iyo Qalabbeynta.
Madaxweynaha J. Soomaaliya ahna taliyaha guud ee Ciidammada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyey ciidammada Boliiska sannad-guuradooda 73-aad iyo guulaha waa weyn ee ay dhanka amniga ka soo hoyeen, waxa uu ku ammaanay taliyaha ciidanka biseylka cusub ee uu u horseedey ciidanka sannadkaan.
Sidoo kale madaxweynaha, ayaa arrin muhiim ah ku tilmaamay doorka Gabdhaha Soomaaliyeed laga siiyey in ay ka mid noqdaan Boliiska Soomaaliya.
Madaxweynaha J Somaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Boliiska Soomaaliya uu ka mid yahay hadda hey’adaha caalamka, sidoo kale waxa uu u mahadcelieyey dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya ee  gacanta siiya ciidammada Boliiska ee xasiloonida ka shaqeeya.
Ciidammada Boliiska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 1943-adii waa hey’adda amni ee ugu faca weyn dalka, waxa ayna door lixaad leh ka qaataan nabadda iyo xasiloonida Jamhuuriyadda, si bulshaduu hesho adeeg nabadgalyo oo ku filan, Boliiska Soomaaliya sannadkaan waxa uu u muuqdaa mid si xowli ah u dhismay.

IB0A3756 IB0A3976

bol1

Related posts

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

September 15, 2025
Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

September 15, 2025

bol3bol4bol5bol6bol7bol8bol9bol10bol11bol12bol13bol14IB0A3976 IB0A3756 IB0A4286 IB0A4236bol18bol19

Previous Post

Dhageysi barnaamijka Faaqidaada

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ilhaan Cumar Villa Somalia ku qaabilay

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ilhaan Cumar Villa Somalia ku qaabilay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ilhaan Cumar Villa Somalia ku qaabilay

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

September 15, 2025
0

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo ay soo agaasintay Hay’adda Taya-dhawrka Qaranka.   Shirkan...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

September 15, 2025
0

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka, iyo sidoo kale ku xadgudubka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

September 15, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa sheegay in guushii ciidanka qaranku ka gaareen dagaalkii Khawaarijta...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

September 15, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaalan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Axad ah kaga qeybgalay magaalada Dooxa shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In