Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday in 1.5 milyan oo doollar ay ku bixinayso maalgelinta dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Soomaaliya
War qoraal ah oo ka soo baxay Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Britain oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Warbaahinta Qaranka ayaa lagu sheegey in dowladda Braitain ay ku yaboohday lacag gaaraysa 1.5 miliyan oo doollarka Mareykanka ah, taasi oo loogu talagalay in mashaariic horumarineed looga fuliyo Soomaaliya.
Lacagtaasi oo la soo marinayo Bankiga Horumarinta Africa ayaa waxyaabaha loogu talogaya waxaa ka mid ah Kaabayaasha Dhaqaalaha, Dib u dhiska, Caafimaadka, Tamarta, Nabadda iyo guud ahaan horumarinta adeegyada Bulshada.
Philib Evans oo katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Britain ayaa sheegtay in lacagtaasi ay ka saacidayso dowladda Soomaaliya, in ay ku fuliso Mashaariicyo kala duwan oo horumarineed, “Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya waa ahmiyadeena koowaad, lacagtani oo qeyb ka ahayd ballanqaadkii hore ee barnaamijka Hiigsiga Cusub ee Britain ayaa looga gol leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqalaaha Soomaaliya, iyadoo loo marayo shaqo abuuris loo sameeyo dhallinyarada, kordhinta Wax soo-saarta iyo yereynta kharash-gareynta”, ayuu yiri Philib Evans.
Waxay sidoo kale sheegeen mas’uuliyiintani in ay tahay arrin muhiimadeeda leh xoojinta hay’adaha Maaliyadda, ayadoo loo marayo abuurista, hannaan wanaagsan iyo isla-xisaabtan, si kor loogu qaado Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya.
Dowladda Britain waxay ka mid tahay waddamada taageera Soomaaliya ayadoo mashaariic horumarineed oo kala duwan ay ka fulinaysa dalka Soomaaliya, taasoo ay mas’uul ka tahay dowladda Soomaaliya.
Lacagtani ayaa imaanaysa ayadoo dhawaanahan Danjiraha Britain ee Soomaaliya Haret Mathews ay booqasho ay ku kala bixnaysa Maamul goboleedyada ayadoo waxyaabaha y kala tashanyeen ay kamid yihiin Mashaariicda horumarineed.