Munaasabadan oo si qurux badan loo soo agaasimay ayna si wada jir ah uga soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo xubno matalayey jaaliyadaha dalalka Scandavianka ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey danjire Cawaale Cali Kulane oo 27sano ka dib noqonaya safiirka Soomaaliya ee wakiilka uga ah wadanka Sweden iyo wadamada Scandavianka, waxaana soo dahweyneyn danjiraha kula lamaanaa danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Ruusha mudane Prof Cabdullaahi Maxamuud Warsame (Cadde duqow).
Khudbooyin kookooban oo goobta laga jeediyey ayaa loogu mahadceliyey Dowladda Soomaaliya oo 27 sanid ka dib u soo garatay wadamadan in ay helaan adeeg safaaradeed oo mudo dheer la sugaayey, waxa ayna safiirka cusub u balan qaadeen in ay la shaqeyn doonaan safaarada cusub.
Gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Sweden mudane Habane Hassan ayaa sheegay imaanshiyaha safiirka in ay ku soo beegantay xili baahi weyn loo qabay, waxa uuna sheegay in farxad weyn ay u tahay bulshada Soomaaliyeed in safiir dhalinyaro ah loo soo magacaabay wadamadan Scandavianka.
Danjiraha Soomaaliya ee dalka Ruushaka C/llaahi Maxamuud Warsame (Cadde Duqow) ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yaahy ka soo qeybgalka xafladan safiirka sweden lagu soo dhaweynayo isaga oo danjiraha cusub ku amaanay in uu yaahy nin howlkar ah hase yeeshee loo baahan yahay in lala shaqeeyo.
Danjire Cawaale Cali Kulane safiirka cusub ee Soomaaliya dalkan Sweden oo khudban kooban goobta ka jeediyey ayaa jaaliyada u soo gubiyey salaan uu ka waday madaxweynaha jamhuuriyada federalka ah ee Soomaaliya mudane xasan Sh. Maxamuud iyo R/wasaare Cumar C/rashiid, iyo wasiirka arimaha dibadda mudane C/laan Hadliye. waxa uuna sidoo kale ka mahadceliyey guud ahaan jaaliyada Soomaaliyeed waxa uuna balan qaaday adeega safaarada in uu noqon doono mid loo siman yahay qof kasta oo Soomaali ahna xaq u leeyahay in lo shaqeeyo.
Safiirka cusub ee Soomaaliya loo soo magacaabay danjire Cawaale Cali Kulane ayaa todobaadkii hore soo gaaray dalka Sweden waxa uuna dhawaan warqadihiisa safiirnimo ku wareejin doonaa boqorka dalkna Sweden, waxa ayna noqonayaa safiirkii ugu horeeyey ee si rasmi ah u fadhiista Stockholm 27 sano ka dib.