Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda NISA oo soo bandhigtay dhagar-qabihii ka danbeeyay qaraxii ka dhacay afaafka hore ee Dekadda Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Hay’adda NISA oo soo bandhigtay dhagar-qabihii ka danbeeyay qaraxii ka dhacay afaafka hore ee Dekadda Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

nisa

Ciidamada Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee (NISA) ayaa soo bandhigay xalay dhagarqabe Maxamed Ibraahim Xasan oo ahaa Darawalkii Waday Gaarigii dhowaan lagu qarxiyey Afaafka Hore ee Dakadda Magaalada Muqdisho oo ay dad badani ku dhinteen.

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

Dhagar-qabe Maxamed oo ka sheekeeyay qaabkii loo soo abaabulay Qaraxaas ayaa sheegay in ay ahaayeen Shabakad ka kooban ilaa 6 Qof oo wadatayna laba gaari oo kala ah midka qarxay iyo midkale oo nooca raaxada ah.

“Waxaan ahaa Darawalkii Waday Gaariga ku Qarxay Dekadda Muqdisho ,waxuuna qorshuhu ahaa  in aan gaariga ku qarxiyo Albaabka Hore ee Dekadda kadibna gaari kale ee nooca raaxada ah oo ay saaranyihiin 5 Nin oo hubeysan  in ay gudaha u soo galaan Dekadda, hasa ahaatee Inta aan lagaarin xiliga qaraxa uu dhacayo habeenkeedii ayaan ka laabatay go’aanka ah in aan is dilo , waxaana sameeyay si aysan ii fahmin 5 kale ee howlgalkan ila waday ayaan gaarigii soo waday Habeenkii waxaana dhigay goobta uu ku qarxi doono subaxii”ayuu yiri Dhagar-qabae maxamed

Dhagar-qabe Maxamed oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas kudaray in gaariga uu habeenkaasi goobta  ku waabariistay Marka lagaarayna subaxii halkaasi uu ku qarxay.

“Gaariga habeenkaasi waxaa uu ku baryay meel aan sidaas uga fogeen oo ah meesha subaxii uu ku qarxi doono, anigoo ka baqaya in la iqabto ayaan ka soo baxsaday goobta uu qaraxa ka dhacay waxaasa iga daba yimid Ciidamada Amaanka oo hada aan gacantooda kujiro”ayuu yiri dhagar-qabe Maxamed Ibraarim Xasan.

Taliyaha Ciidamada Nabadsugida Gobolka Banaadir Maxamed Xasan Faarax oo loo yaqaano (Faran-Far) ayaa sheegay in dhagar-qabahan laga soo qabatay Deegaanka Labar Konton Islamarkaana ay ku daba jiraan dhagar-qabayaashii kale ee shabakadaasi qeybta ka ahaa.

“Ciidamada NISA oo Isticmaalaya Tignoolajiyada Casriga ah ee lagu baaro Qaraxyada iyo daba-galka ayaa gacanta ku soo dhigay dhagarbe Maxamed Ibaraahim Xasan oo lagu daba jiray waxaana laga soo qabatay Deegaanka Labar Kontan ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyadoo Ciidamada Amaanka  ay ku daba jiraan dhagar-qabayaashii kale ee kula jiray howlgalkaasi Fashilmay.

Qaraxan oo dhacay 11/Dec/2016 Xili Subax Hore ah ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 50 qof oo shacab ah iyo dhaawaca Lixdameeye kale.

Previous Post

Dagaallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab oo ka socda Tuulada Yaaq-bishaaro

Next Post

Shan kursi oo ka mid ah Aqalka hoose oo dib loo celinaayo “WarSaxafadeed”

Next Post
Shan kursi oo ka mid ah Aqalka hoose oo dib loo celinaayo “WarSaxafadeed”

Shan kursi oo ka mid ah Aqalka hoose oo dib loo celinaayo “WarSaxafadeed”

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In