Friday, February 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Qamar oo kulan casho sharaf ah u sameysay gabdhaha Kubadda Kolleyga ee G/Banaadir

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Qamar oo kulan casho sharaf ah u sameysay gabdhaha Kubadda Kolleyga ee G/Banaadir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qamar

Kulankaan casho sharafta ah oo ay soo agaasintay Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Qamar Cali Cumar ayaa lagu dhiiragalinayay tartankii Gabdhaha Kubadda Kolleyga Maamul goboleedyada ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe.

Related posts

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 27, 2026
Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 27, 2026

Casho sharafta waxaa ka qeybgalay Ururka Haweenka Qaranka, Kooxaha kubadda Kolleyga Maamul goboleedyada,  Xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka, iyo Aqalka sare ee baarlamaanka, iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa gabdhaha Kubadda Kolleyga u gudbisay fariin dhiiragelin oo ay uga siday Marwada Madaxweynaha.

“Waxaan halkaan idingugu soo gudbinayaa hambalyada Marwo Qamar Cali Cumar, waxa ay idinku dhiiragalineysaa horumarinta Isboortiga iyo in aad soo celisaan magaca Soomaaliya”ayay tiri Batuulo.

Sucaad Cabdullahi oo  ka mid ahayd qaban qaabiyaashii tartankaan ayaa sharaxday sida ay ku timid qabsoomida tartanka Kubadda Kolleyga Gabdhaha ee gobolka Benaadir.

“Waxaan ahaa maskaxii ka dambeysay barnaamijkaan, waxaan sameeyay marka aan arkay sida Gabdhaha ay u jecel yihiin isboortiga iyo sida ay ugu baahan yihiin caawin” ayay tiri Sucaad.

Xildhibaan Naciima Ibraahim Yuusuf oo ka tirsan aqalka sare ee Barlamanka Federaalka ayaa bogaadisay in saaxadda cayaaraha ay kusoo laabtaan Gabdhaha iyo in  la horumariyo isboortiga heerarkiisa kala duwan.

“Waan dhiiragalinayaa in mar kale saaxadda isboortiga lagu arko gabdhaha sidaasi awgeed waxaan ku baaqayaa in la horumariyo”ayay tiri Xildhibaan Naciima.

Gabdhaha Kubadda Kolleyga gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay Koobka Cayaarihii Gabdhaha Kubadda Kolleyga Maamul goboleedyada ee lagu qabtay magaalada Garoowe, iyaga oo ka qaaday Kooxdii ka socotay Hirshabeelle.

Previous Post

Wafdi uu hogaaminayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo lagu soo dhaweeyay dalka Kuwait “SAWIRRO”

Next Post

Horumarinta Qorshaha Qaranka ee Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo laga hadlayo “SAWIRRO”

Next Post
Horumarinta Qorshaha Qaranka ee Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo laga hadlayo “SAWIRRO”

Horumarinta Qorshaha Qaranka ee Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo laga hadlayo "SAWIRRO"

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 27, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 27, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan mira-dhal ah la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan mira-dhal ah la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadda

February 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hoggaanka ururrada siyaasadda ee...

Madaxweynaha Galmudug oo guddoomiyey shir ka golaha Wasiirada

Madaxweynaha Galmudug oo guddoomiyey shir ka golaha Wasiirada

February 26, 2026
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada, iyadoo uu goobjoog ahaa Madaxweyne ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In