Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeey bahda Wasaaradda Warfaafinta gaar ahaan Shaqaalaha iyo Maamulka Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA) Munaasabadda 53-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskii SONNA oo shalay ku beegnayd.
โMaanta waa maalin weyn oo ku began maalintii la aas aasay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA) 1964,Waxaana hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa dhammaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan shaqaalaha iyo Maamulka SONNAโ ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabadaan horumarka ah ee ay sameysay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ay qeyb ka tahay dedaalada lagu soo nooleeyey laguna horumarinayo heyโadaha dowladda.
Madaxwaynaha ayaa ku dhiirigaliyay mas’uuliyinta Wakaaladda in ay laba-laabaan dadaalkooda islamarkaana sii kordhiyaan hiigsigooda ah horumarinta Wakaaladda SONNA, maadaama SONNA ay tahay Hayโad u taagan kor uqaadista iyo soo bandhiggidda Xaqiiqada rasmiga ah ee dalka Soomaaliya.
Ugu dambayn, Madaxwaynuhu wuxuu si gaar ah ugu ammaanay Wasaaradda, gaar ahaan Madaxda Wakaaladda, hawlkarnimada ay ku xaqiijiyeen soo noolaynta SONNA, taas oo ah guul u soo hoyatay Qaranka Soomaaliyeed.