Saturday, February 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Oo Nairobi Uga Qeybgalay Shir Ku Saabsan Wax Ka Qabashada Abaaraha Dalka “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Oo Nairobi Uga Qeybgalay Shir Ku Saabsan Wax Ka Qabashada Abaaraha Dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa magaalada Nairobi uga qeybgalay shir ku saabsan wax ka qabashada abaaraha ka jira gobollada dalka Soomaaliya.

Shirkan waxaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ku wehliyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya,Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka,Xildhibaanno ak tirsan Golaha Shacabka, mas’uuliyiin ka kala socotay dowlad goboleedyada dalka ka jira waxaana kasoo qeybgalay sidoo kale wakiillo ka socday hay’adaha deeq bixiyeyaasha caalamka iyo safiirrada dalalka caalamka u fadhiya Nairobi.

Related posts

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

February 7, 2026
Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

February 7, 2026

Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye kux xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo Saxaafadda kula hadlay Nairobi shirkaasi kadib ayaa tilmaamay in xaaladda iyo saameynta abaaraha ee dalka ay yihiin kuwo xoogan sidaasi darteedna ay tahay in loo midoobo sidii gurmad deg deg ah lagu gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu ku saameysay gobollada Dalka.

“waxaan bilaha soo socda ayadoo doorashooyin lagu jiro, ayadoo xaalado siyaasadeed lagu jiro aanu u muujinay isla xisaabtan adag uu jiri doono, dowladda federaalka ama dowlad goboleedyada ha ahaato in dhankeenna ay ka jirto xaalad mideysan oo ku saabsan abaarta,waxaan u jeedinay deeq bixiyeyaasha iney dadaalkooda laba jibbaaraan, hay’adaha farsamo ahaan dalka ka shaqeeya iyo guddiyada heer qaran ama heer dowlad goboleed ee gurmadka loogu talagalay ay la yimaadaan qorshe cad oo lagu howlgallo”ayuu yiri Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Ugu dambeyntii Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxa uu ku booriyey shacabka Soomaaliyeed guud ahaan meel kasta oo ay joogaan oo ay ugu horeeyaan ganacsatada,qurba joogta iyo bulshada rayidka in dhexda loo xirto sidii dadkeenna loogu wada gurman lahaa inaga oo mideysan.

Gud Mahad Cawad Nairobi Abaaraha (1) Gud Mahad Cawad Nairobi Abaaraha (2) Gud Mahad Cawad Nairobi Abaaraha (3) Gud Mahad Cawad Nairobi Abaaraha (4) Gud Mahad Cawad Nairobi Abaaraha (5) Gud Mahad Cawad Nairobi Abaaraha (6) Gud Mahad Cawad Nairobi Abaaraha (7) Gud Mahad Cawad Nairobi Abaaraha (8) Gud Mahad Cawad Nairobi Abaaraha (9) Gud Mahad Cawad Nairobi Abaaraha (10) Gud Mahad Cawad Nairobi Abaaraha (11) Gud Mahad Cawad Nairobi Abaaraha (12) Gud Mahad Cawad Nairobi Abaaraha (13)

Hoos Ka Daawo Warka:-

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Previous Post

Guddiga doorashada Madaxweynaha J.Federaalka Soomaaliya oo soo saaray waqtiga ay dhaceyso doorashada

Next Post

Diiwaangelinta musharixiinta u tartamaya Madaxweynaha JFS oo ka bilaabatay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Diiwaangelinta musharixiinta u tartamaya Madaxweynaha JFS oo ka bilaabatay Muqdisho “SAWIRRO”

Diiwaangelinta musharixiinta u tartamaya Madaxweynaha JFS oo ka bilaabatay Muqdisho "SAWIRRO"

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JABUUTI):-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed, ayaa si rasmi ah loogu doortay xilka Madaxweyne Ku-xigeenka Ururka Kubadda...

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Prof. Salim Caliyow Ibrow, ayaa si faahfaahsan uga...

Munaasabad lagu soo dhaweynayo Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu qabtay dalka UK

Munaasabad lagu soo dhaweynayo Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu qabtay dalka UK

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LONDON):-Magaalada London ee Caasimadda Dalka UK waxaa xalay lagu qabtay munaasabad si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo...

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya ayaa ku biirtay dhoolatus ballaaran oo ay wadajir u sameynayaan ciidamada badda dalal dhowr ah, kaas oo ujeeddadiisu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In