Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Oo Nairobi Uga Qeybgalay Shir Ku Saabsan Wax Ka Qabashada Abaaraha Dalka “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 26, 2017
in Wararka
0
Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Oo Nairobi Uga Qeybgalay Shir Ku Saabsan Wax Ka Qabashada Abaaraha Dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa magaalada Nairobi uga qeybgalay shir ku saabsan wax ka qabashada abaaraha ka jira gobollada dalka Soomaaliya.

Shirkan waxaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ku wehliyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya,Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka,Xildhibaanno ak tirsan Golaha Shacabka, mas’uuliyiin ka kala socotay dowlad goboleedyada dalka ka jira waxaana kasoo qeybgalay sidoo kale wakiillo ka socday hay’adaha deeq bixiyeyaasha caalamka iyo safiirrada dalalka caalamka u fadhiya Nairobi.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye kux xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo Saxaafadda kula hadlay Nairobi shirkaasi kadib ayaa tilmaamay in xaaladda iyo saameynta abaaraha ee dalka ay yihiin kuwo xoogan sidaasi darteedna ay tahay in loo midoobo sidii gurmad deg deg ah lagu gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu ku saameysay gobollada Dalka.

“waxaan bilaha soo socda ayadoo doorashooyin lagu jiro, ayadoo xaalado siyaasadeed lagu jiro aanu u muujinay isla xisaabtan adag uu jiri doono, dowladda federaalka ama dowlad goboleedyada ha ahaato in dhankeenna ay ka jirto xaalad mideysan oo ku saabsan abaarta,waxaan u jeedinay deeq bixiyeyaasha iney dadaalkooda laba jibbaaraan, hay’adaha farsamo ahaan dalka ka shaqeeya iyo guddiyada heer qaran ama heer dowlad goboleed ee gurmadka loogu talagalay ay la yimaadaan qorshe cad oo lagu howlgallo”ayuu yiri Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Ugu dambeyntii Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxa uu ku booriyey shacabka Soomaaliyeed guud ahaan meel kasta oo ay joogaan oo ay ugu horeeyaan ganacsatada,qurba joogta iyo bulshada rayidka in dhexda loo xirto sidii dadkeenna loogu wada gurman lahaa inaga oo mideysan.

Gud Mahad Cawad Nairobi Abaaraha (1) Gud Mahad Cawad Nairobi Abaaraha (2) Gud Mahad Cawad Nairobi Abaaraha (3) Gud Mahad Cawad Nairobi Abaaraha (4) Gud Mahad Cawad Nairobi Abaaraha (5) Gud Mahad Cawad Nairobi Abaaraha (6) Gud Mahad Cawad Nairobi Abaaraha (7) Gud Mahad Cawad Nairobi Abaaraha (8) Gud Mahad Cawad Nairobi Abaaraha (9) Gud Mahad Cawad Nairobi Abaaraha (10) Gud Mahad Cawad Nairobi Abaaraha (11) Gud Mahad Cawad Nairobi Abaaraha (12) Gud Mahad Cawad Nairobi Abaaraha (13)

Hoos Ka Daawo Warka:-

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Previous Post

Guddiga doorashada Madaxweynaha J.Federaalka Soomaaliya oo soo saaray waqtiga ay dhaceyso doorashada

Next Post

Diiwaangelinta musharixiinta u tartamaya Madaxweynaha JFS oo ka bilaabatay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Diiwaangelinta musharixiinta u tartamaya Madaxweynaha JFS oo ka bilaabatay Muqdisho “SAWIRRO”

Diiwaangelinta musharixiinta u tartamaya Madaxweynaha JFS oo ka bilaabatay Muqdisho "SAWIRRO"

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In