Friday, August 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaaliyada Soomaaliya ee Pakistan oo gudoomiye cusub doortay-Sawirro

caqiil by caqiil
January 30, 2017
in Wararka
0
Jaaliyada Soomaaliya ee Pakistan oo gudoomiye cusub doortay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad balaaran oo ay kasoo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay magaalada Karachi ee koonfurta wadanka Pakistan.

U jeedada xafladda ayaa aheyd sidii loo dooran lahaa hogaanka cusub ee jaaliyadda Soomaaliyeed magaalada Karachi ee dalkaas, maadaama kii hore waqtiga ka dhamaaday, iyadoo qaban qaabada xafladda loo xil saaray ilaa todono xubnood oo jaaliyadda ka tirsan.

Related posts

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025

August 1, 2025
Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

August 1, 2025

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada xafladda Abu Bakar Xasan Maxamed oo ka hadlay munaasabadda ayaa u mahadceliyay safiirka Soomaaliya ee dalka Pakistan Marwo Khadiija Al-Makhzuumi, oo gacan ka siiyay qabsoomidda xafladda.

Xilka cusub ee hogaanka jaaliyadda ayaa waxaa isu soo sharaxay ilaa afar murashax, iyadoo doorashada cod qarsoodi aheyd uu ku soo baxay Siciid Cabdi Kulane oo heley 74 cod , isagoo ka guuleystay C/fitaax C/qaadir Cismaan oo heley 71 cod.

Doorashada ka dib ayaa qaar kamid ah mas’uuliyiintii ka qeybgashay waxaa ay bogaadiyeen qaabka doorashada, waxaana kamid ah Dr. Xasan Hilowle, isagoo hogaanka cusub ku booriyay dadaal dheeraad ah.

Gunaanadkii xafladda ayaa waxaa hadiyado la gudoonsiiyay safiirka Soomaaliya ee dalka Pakistan iyo qunsuliyadda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Karachi.

Guddoomiyaha cusub ee jaaliyadda Soomaaliya ee magaalada Karachi, ayaa waxaa uu u mahadceliyay dhamaan dadkii ka qeybgalay munaasabada, isagoo codsaday in lala shaqeeyo.

xaflad1 xaflad2 xaflad5 xaflad6 xaflad7 xaflad11 xaflad12 xaflad14 xaflad15 xaflad16 xaflad17 xaflad18 xaflad19

Mursal Mohamud Osman,   Karachi-Pakistan.

 

Previous Post

RW Ku-Xigeenka oo ka gudoomay Jaamacadda Carabt lacag gargaar ah-Sawirro

Next Post

Xeer ilaaliyaha qaranka oo ka hadlay go’aanka la filayo labada Fibraayo

Next Post
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo sheegay iney India kala hadleen dib u soo celinta maxaabiis Soomaali ah

Xeer ilaaliyaha qaranka oo ka hadlay go'aanka la filayo labada Fibraayo

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025

August 1, 2025
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay...

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

August 1, 2025
0

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda. 1-da Agoosto 2025, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga...

Daacish Baxsad ah oo lagu qabtay Gobolka Barri.

Daacish Baxsad ah oo lagu qabtay Gobolka Barri.

August 1, 2025
0

Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay labo kamid ah maleeshiyaadka Kooxda Daacish, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayey Buuraleyda...

Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay

Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay

August 1, 2025
0

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff ayaa maanta booqanaya Gaza si uu u kormeero goobaha cuntada lagu qaybiyo, sida...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In