Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dibad baxyo ka dhan ah Madaxweyne Trump oo ka dhacay Columbus Ohio “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Dibad baxyo ka dhan ah Madaxweyne Trump oo ka dhacay Columbus Ohio “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dibad baxayaal aad u badan oo kor u dhaafayay kumanaan ayaa xalay isugu soo baxay aqalka looga arimiyo magalada Columbus Ohio,  kuwaas oo ku qeylinayay ereyo ka dhan ah go’aamo uu dhawaan soo saaray Madaxweyne Trump .

Iyada oo cimiladu aad u xumayd uuna jiray qaboow aad u daran, hadana dadku saacad walba waa ay sii kordhayeen ilaa ay goobtu soo buux dhaaftay.

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

February 28, 2026
Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026

Dibad baxayaasha oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshadda Mareykanka ku nool ayaa waxa ay lulayeen boorar iyo halku dhigyo muujinaya sida ay uga soo horjeedaan in Mareykanka laga mamnuuco soo galootiga, in la bar tilmaameedsado dalalka qaar, in diimaha qaar loo arko kuwo lidi ku ah ammaanka Mareykanka iyo in darbi laga dhiso xaduudda Mexico ay la wadaagto Mareykanka.

Halku dhiggyada ay wateen waxaa ka mid ahaa. Mareykan waa dhulkii soo galootiga, Darbi Maya, Xayiraad Maya, Qaxootiga waan ku soo dhaweynaynaa dalkeena,  Nacayb maya, Kala sooc maya, Midnimo Haa. Qooysaska hakala geeyn, Awoodda dadkaa iska leh iyo kuwo kale oo badan.

Mudo markii ay joogeen barxada weyn ee aqalka looga arimiyo Columbus waxa ay u dareereen Maxkamada gobolka oo ay iyana horteeda taagnaayeen in cabaar ah.

Waxaa cariiri noqday in gaadiidku ay isticmaalaan waddooyinkta bartamaha Columbus, maadama kumanaan dad weynaha ah ay wadooyinka socod ku marayeen.

Ciidanka booliska ayaa aad ammaanka u sugayay iskuna dayay in xaaladda ammaan aysan wax saamayn ah ku yeelan dibadbaxyadani.

Inkasta oo ay Soomaali dhallinyaro u badan ka soo qeyb galeen hadana wey adkeyd in ay Soomaalidu si fudud iskugu arkaan goobta banaanbaxa maxaa yeelay waxa qariyay tirada dadka kale oo marka loo eego Soomaalidu ay noqonayaan tiro aan la sheegi karin.

Banaanbaxan oo qeyb ka ah banaanbaxyo hareeyay Mareyanka tan iyo markii la doortay Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump waxa ay muujinayaan sida dalka Mareykanka uu u yahay dalkii soo galootiga.

Lama oga inta ay sii socon doonaan banaanbaxyadani waloow ay jiraan dad aaminsan in la sii wado inta laga helayo isbadal markale uu ku dhawaaqo Madaxweyne Trump.

Columbus Trump Immigration Ban Protest Day 2 013017 columbus-nobannowallprotest3 IMG_2775 IMG_2777 IMG_2779 IMG_2780 IMG_2783 IMG_2784 IMG_2785 IMG_2789 IMG_2793 IMG_5259_0 Screen Shot 2017-01-31 at 1.21.00 PM Screen Shot 2017-01-31 at 1.21.18 PM Screen Shot 2017-01-31 at 1.21.32 PMBashiir Taajir & Deeqo SONNA

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Cumar, ayaa kulan la qaatay Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibadda...

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, si uu...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Magaalada Jiddah uga kulan looga hadlaayay qodobbo dhowr ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In