Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Mu’asasada Maka Almukarrama oo maanta furtay tartan aqooneed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada: Mu’asasada Maka Almukarrama oo maanta furtay tartan aqooneed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu maamuusayay furitaanka tartan aqooneedka dugsiyada sare ee mu’asasada Maka Almukarama ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xafladdi furitaanka tartanka waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta mu’asasada Makka Almukarama, madax ka socotay qaar ka mid ah jaamacadaha dalka, waalidiin, macalimiin iyo arday farabadan oo ka kala socotay lixda dugsi ee ka qeybgaleysa tartankaasi.

Related posts

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026

Mas’uuliyiinti ka hadashay munaasabaddaasi ayaa si isla mid ah u qiray in tayada aqoonta ee dugsiyada hoos yimaada mu’asasada Maka ay sii kordheyso, iyagoo qiray in arrintaasina la ogaaday kaddib markii ardaydii ka baxday dugsiyadaasi ay kaalimaha hore ka galeen jaamacadaha dalka iyo kuwo dibadda ah.

Maamulaha dugisiga Jaabir Axmed Maxamed Shuuriye oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay qiimaha uu tartankani u leeyahay sare u qaadida garaadka aqoonta ee ardayda, sidoo kale waxaa xafladaasi ka hadlay Ustaad Caraboow oo ka mid ah mas’uuliyiinta jaamacadda Capital oo ammaan iyo bogaadin usoo jeediyay maamulka iyo macalimiinta soo agaasintay tartan aqooneedkan.

Madaxa waxbarashada ee mu’sasada Maka Ustaad Sanka oo halkaasi ka halkaasi ka hadlay ayaa muujiyay ahmiyadda tartankan.

C/qaadir Maxamed Xasan oo ah gudoomiyaha tartanka oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku dhawaaqay in tartanku furmay maanta islamarkaana uu socondoono muddo  Afarbilood ah.

Tartankan oo ay ka qeybgalayaan arday ka socota lix dugsi sare oo hoos yimaada mu’asasada Maka,  ayaa ardayda ku guuleysta kaalinta koowaad waxay abaalmarin u helidoonaan lacag dhan Kun doolar, kaalinta labaadna, Lixboqol oo doolar halka kaalinta sadexaadna lagu abaalmarindoono Afarboqol oo doolar.

IMG_20170129_045617 IMG_20170129_045631 IMG_20170129_045720 IMG_20170129_045747 IMG_20170129_045757 IMG_20170129_045805 IMG_20170129_045819 IMG_20170129_045826 IMG_20170129_045839 IMG_20170129_045922 IMG_20170129_045934 IMG_20170129_045949 IMG_20170129_050119 IMG_20170129_050433 IMG_20170129_051009 IMG_20170129_051212 IMG_20170129_051229 IMG_20170129_053328 IMG_20170129_053348 IMG_20170129_053406 IMG_20170129_054012 IMG_20170129_055725 IMG_20170129_055730 IMG_20170129_055739 IMG_20170129_055811

Previous Post

Raiisal Wasaaraha dalka jarmalka oo booqasho ku tagtay Turkiga

Next Post

Todobo musharax oo maanta Baarlamaanka ka jeediyay waxyaabaha ay qabanaan marka ay guuleystaan

Next Post

Todobo musharax oo maanta Baarlamaanka ka jeediyay waxyaabaha ay qabanaan marka ay guuleystaan

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

January 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Saturday evening in Jeddah with his...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In