Monday, September 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hey’adda Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo ka soo horjeesatay go’aankii Madaxweyne Trump

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Hey’adda Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo ka soo horjeesatay go’aankii Madaxweyne Trump
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Global-Somlai-Logo

Hey’adda Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed ee magaciisa marka la soo gaabiyo loo yaqaano (GSD) ayaa war-saxafadeedka ay soo saareen ku dhaleceeyay go’aankii dowladda Mareykanka ee uu hogaamiyo Donald Trump ay ku xanibtay u safridda Mareykanka ilaa iyo toddobo dal oo ay Soomaaliya ku jirto.  War-saxafadeedka ayaa lagu sheegay inay tahay nasiib-darro iyo midab kala sooc ku dhisan heyb diimeed midaas oo ka soo horjeeda shuruucda caalamiga ah ee qaxootiga iyo inaan dadka loo kala saari karin heyb diimeed iyo mid midab intuba. Waxaa intaas lagu daray in wadanka Mareykanka ay u haajireen malaayiin qaxooti ah oo uu ka mid ahaa awoowaha Madaxweynaha hadda taladda haya, Donald Trump.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026

Waxaa lagu yiri war-saxafadeedka “Waxaa muhiim ah in Madaxweyne Trump uu xasuusto midani, oo uu baabi’iyo go’aankan gurucan ee takooraya diin dhan iyo dadka aaminsan oo isugu jira kuwa kaalin mug leh uga jira horumarinta Mareykanka.

Soomaalidda Mareykanka ahi iyo kuwa qaxootinimadda ku jooga Mareykanka waxay door muhiim ah ka qaataan kobcunta dhaqaalaha Mareykanka laga soo bilaabo xiligii ay ka soo qaxeen dalkooda hooyo, iyadoo wali kuma maanta magangelyadda weydiisanaya ay u baahan yihiin in la magan-geliyo balse aan la takoorin, madaama ay yihiin dhibanayaal falal argagixiso iyo mid dagaal intaba.

Waxaynu ku boorineynaa dowladda Mareykanka ineysan faquuqin dadka sida dhabta ah uu ugu baahan yahay inuu iskaashi kala sameeyo sidii si wadajir ah nabad loogu soo dabaali lahaa caalamka. In la laga mamnuuco safarka Soomaalidda u safreysa Mareykanka iyadoo loo marayo hab aan is waafaqsaneyn oo sharci darro ah maahan mid amni iyo wax-tar ku soo kordhinaysa Mareykanka.

Mareykanku waa wadan ka abuurmay dad socoto ah iyo kuwo qaxooti ah kuwaas oo si wadajir ah u degay kana dhigtay Meesha ay ugu yeeraan gurigooda.  Tariikhda Mareykanka si badan ayay uga buuxdaa cadaalad daradii hore loo soo maray ee ku saleysnaa midab iyo diin, taas oo sinaba aanu caqliga saalimka ah u ogolaan karin in dib loogu noqdo tariikhdaas madow ee la soo dhaafay.

Haddaba, waxan dooneynaa in wadanka Mareykanku ahaado mid ay ku wada hirtaan dhamaan muwadiniintiisa ku nool balse uusan noqonin mid kala faquuqa. Soomaali Mareykanka ku nool wadanka Mareykanka waa Dhaqatiir, macalimiin, Darawalo gadiidka dadweynaha, Engineero iyo xirfadyahano kala duwan kuwaas oo dhamaan kaalin kaga jira wadanka Mareykanka.

Ugu dambeyn waxan ugu baaqeynaa Madaxweyne Trump inuu dib uga laabto gabi ahaanba siyaasadan mamnuucidda socdaalka eek u dhisan takoorka. Waxan sidoo kale ku dhiirigalinaynaa Maamulka Mareykanka inuu dhex-galo Bulshadda Soomaali Ameerikaanka ah isla markaasna wax badan uga ogaado dareenkooda. 

 

Previous Post

Kaalmo lacageed oo ka timid Jaaliyadda Sweden oo la gaarsiiyay maamulka Degmada Balcad “SAWIRRO”

Next Post

Maamulka degmada Hiliwaa oo ku baaqay in dib u dhis lagu sameeyo guryaha jajaban

Next Post
Maamulka degmada Hiliwaa oo ku baaqay in dib u dhis lagu sameeyo guryaha jajaban

Maamulka degmada Hiliwaa oo ku baaqay in dib u dhis lagu sameeyo guryaha jajaban

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

September 21, 2026
0

Waxaa xalay magaalada Gaalkacyo lagu qabtay munaasabad lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda Adduunka, oo ku beegan 21-ka Sebtembar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In