Xildhibaan Cabdicasiis Cilmi Xalane oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Golaha Shacabka oo la hadlay Radio Muqdisho Codka jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaannadu ay gurmad ufidin doonaan dadka Soomaaliyeed ay abaartu saameysay, isagoo qeybaha bulshada ugu baaqay in ay is caawiyaan.
Dhanka kale Hay’adaha samafalka iyo deeq bixiyaasha caalamka ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Gurmadka loogu gargaarayo dadka ay saameysay abaaraha ka jira gobollada dalka.
Sidoo kale Xildhibaan Cabdicasiis ayaa sheegay in ay wadaan qorshayaal Mudanayasha golaha Shacabka ay ugu guur galayaan nolosha dadka ku nool deegaannada ay abaartu ku saameysay iyagoo soo ogaandoona xaaladda dhabta ah ee deegaannadaas ka taagan.