Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres oo dhawaan xilkaa loo magacaabay ayaa haatan ku sugan magalada Riyad ee Caasimadda dalka boqortooyda Sacuudi Carabiya.
António Guterres oo shalay galab booqsho rasmi ah ku tagay Sacuudiga ,waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Boqor Khaalid ee magaalada Riyaad ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Sacuudiga Khaalid Caadil Bin Al-Jabiir,iyo wakiilka Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Qaramada Midoobay Cabdalla bin Yaxya.
António Guterres ayaa horey usoo noqday madaxa hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga UNHCR, iyadoo xilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaraamada Midoobay ee dhawaan loo magacaabayna uu heyn doonaa muddo 5 sano ah.