Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qoysas abaarta ka soo barakacay oo deeq raashin ah loogu qeybiyay degmada Kaxda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Qoysas abaarta ka soo barakacay oo deeq raashin ah loogu qeybiyay degmada Kaxda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Barakac

Deeq isugu jirta raashiin iyo biyo nadiif ah ayaa loo qeybiyay boqolaal qoysas ah oo ka mid ah kuwa ka soo hayaamay deegaannada ay abaaruhu saameeyeenย  ee gobolada dalka ,isla markaana soo gaaray degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

Dadkan oo u badan haween iyo carruur oo ay ka muuqato diifta ay ku reebtay abaarta ayaa waxaa deeqda gaarsiiyay Ururka Haweenka Qaranka oo ay u soo wakiisheen guddiga gurmadka abaaraha ee heer Qaran, iyadoo ay wehliyaan masโ€™uuliyiin uu kamid yahay ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir Ismaaciil Macalin Cabdi Guure iyo xubno kale oo maamulka gobolka katirsan.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil C/laahi oo goobta ka hadlay ayaa waxaa uu u ka mahadceliyay dadkii soo agaasimey gurmadkan, isagoo sheegay in degmada maalin walba ay soo gaaraan dad aad u nugul oo abaarta saameysay.

Batuulo Sheekh Axmed Gabale oo ah guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka ayaa ka hadashay noocyada deeqdan ay ka kooban tahay, waxayna dadka barakacyaasha ah ugu laab qaboojisay in ay ka bixi doonaan dhibaatada heysata dadkan.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ahna ku simaha guddoomiyaha gobolka Ismaaciil Macalin Cabdi Guure ayaa sheegay in maamulada degmooyinka la amray in ay ka shaqeeyaan u gurmashada dadka soo barakacay, isagoo baaq u direy dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay gurmad gaarsiiyaan dadka dhibaatada abaarta taabatay.

Dad badan oo kamid ah kuwa ay saameysay abaarta ku dhufatay gobollada dalka ayaa soo gaaray qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Saamaynta Abaarta oo korortay deegaannada gobolka Galgaduud

Next Post
FAALO: Goโ€™doominta Al-shabaab iyo Gaajada Shacabka

Saamaynta Abaarta oo korortay deegaannada gobolka Galgaduud

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

October 15, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In