Thursday, November 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynah oo la kulmay safiirrada dalalka ku jira howlgalka AMISOM-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynah oo la kulmay safiirrada dalalka ku jira howlgalka AMISOM-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isu yeeray safiirrada dalalkooda ay ku jiraan ciidammada AMISOM iyo saraakiishooda, waxaana uu kala hadlay howlgalka AMISOM iyo in ay muhiim tahay waqtigaan dardargelinta howlgallada ka dhan ah kooxaha nabad-diidka.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

November 27, 2025
Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

November 27, 2025

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey AMISOM iyo madaxdooda sida ay ciidammada Soomaaliyeed u gacan siiyeen, laakiin waxa uu xusay in lagama maarmaan ay tahay in ciidammada Qalabka Sida  ee Soomaaliya loo diyaariyo dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin sida qalabka iyo waxyaabaha kale ee la xiriira awooddooda, AMISOM-na looga baahan yahay in ay gacan ka geystaan  dhismaha ciidammada Soomaaliyeed ee mar ka ugu dambeysa AMISOM kala wareegi doona amniga guud ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in dalka gobollo badan oo ka tirsan ay ka jiraan Abaaro, sidaa darteedna ay waajib tahay in  si nabad ah dadka loo gaarsiiyo gurmadka ay u baahan yihiin, iyadoo ay iska kaashanayaan dowladda, ciidammada Qalabka Sida iyo AMISOM oo wadajira.

Kulan waxaa joogey oo madaxweynaha ku wehliyey, Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, taliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha agaasimaha Guud ee madaxtooyada, safiirka Soomaaliya ee Kenya iyo howl-wadeenno kale, waxaana la isku afgartay in  si deg deg ah loo dardargaliyo howlgallada lagu soo afrjarayo kooxaha argagixisada ah ee nabadda diiddan.

0J1A6642 0J1A6647 0J1A6676 0J1A6691 0J1A6693 0J1A6697 0J1A6893 0J1A6896

Previous Post

Saraakiil ka tirsan booliska oo tababbar uga furmay dugsiga Jeneraal Kaahiye

Next Post

Madaxweynaha oo wrqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Britain-Sawirro

Next Post
Madaxweynaha oo wrqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Britain-Sawirro

Madaxweynaha oo wrqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Britain-Sawirro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo xiray shirweynaha seddaxaad ee...

Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

November 27, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay...

Wasiirka Dekadaha XFS oo shir doceed la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’adda IMO

Wasiirka Dekadaha XFS oo shir doceed la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’adda IMO

November 27, 2025
0

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulanka 9-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In