Degmada Kaxda oo dagmooyinka Gobolka Banaadir ayaa Waxaa soo gaaray Baracayaal horleh ku Waasi oo Lagu qiyaasay Sagaal Boqol oo qoys kana soo hayaamay Abaaraha Ku dhuftay Qaar Ka mid ah Gobolada Dalka sida Bay ‘ Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
Dadkaan Waxaa haysta dhibaatooyin la xiriira dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada iyo biyaha Mana Haystaan hooy ay ka galaan dhaxanta iyo qabawga daran ee habeenkii dhacaya,Waxa ay ku nool yihiin Gurya Ka Samaysan Baco iyo cooshado qaarkoodna ma haystaan Wax Golgol ah.
Haweenka Barkacayaasha ah ayaa qaar kood Waxa ay nolosha qooyska Ku dabaraan qidmooyin yaryar oo ay ka soo helaan dadka ay dhar udhaqaan kuwaasi oo ku dabara nolosha qoysaskooda halka ragga qaarna ay Xaamalato yihiin.
Cudurro ayaa ka dilaacay Kaamamka Sida shuban biyoodka iyo Jadeecadam mana helin dadka wax dawo ah ama Gargaar ah marka laga reebo hay’adda Wardi oo barakacayaasha dhawr mar ufidisay Baaritaanno Caafimaad oo Lacag La’aan ah.
Qaar ka mid ah Barakacayaasha oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa Sheegay in ay haystaan dhibaatooyin Kala duwan oo dhinaca nolosha ah ayagoo ka Codsaday bulshada intooda Wax haysata inay la soo gaaraa Gargaar degdeg ah.
maamulka degmada kaxda ayaa deeq gar-gaar ah oo ay iska soo uruuriyeen qaar ka mid ah bulshada degmadaas ku wareejiyay Ugaas Sheekh Cabduqaadir Yuusuf “Gabyaa” oo ka mid ah Culumaa uddiinka degmada.
Gudoomiyaha Degmada Kaxda Maxamad Ismaaciil Cabdulaahi ayaa uga Mahadceliyay Shacabka Degmada ee Isxilqaanka muujiyay Waxaana uu tilmaamay in xoogaa deeq ah ay dadkaas soo gaareen balse nolosha iyo Gurmad soo gaaray aysan isku dhigmin loona Baahanyahay gurmad intaa ka badan in Lala Soo Gaaro Barakacayaashaan.