Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Louisville gobolka Kentucky ee Dalka Mareykanka ayaa soo bandhigay Taageerada ay u hayaan dowlada Soomaaliyeed iyo madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay Maxamed Cabdillahi “Farmaajo”.
Boqolaal dhalinyaro ubadan ayaa ka soo qeybgalay xafladan, waxayna ku marti galiyeen Maamulka gobolkooda iyada oo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Louisville ay soo camreen goobta xaflada.
Muddadii ay socotay xafladda waxaa hadalo kala duwan ka soo jeediyay dhamaan martidii ka hadashay iyada oo diirradda la saarayay ahmiyadda Dowladnimada iyo Ammaanka u leeyihiin Bulsho walba oo dunidan ku nool.
Madaxweyne Farmaajo ayay ugu baaqeen in uu diirradda saaro arrimaha Amniga iyo ciidamada si loo helo ciidan qaran oo hanan kara Amniga iyo xasiloonida.
Qaar ka mid ah waxgaradkii ka hadlay xafladan oo aad u qiiraysnaa ayaa Jaaliyada ugu baaqay in ay is garab taagaan dowladooda iyo in laga qeyb qaato bixinta mushaaraadka ciidanka si ayay dhaheen looga gudbo Baahida dhaqaale ee curyaamisay ciidanka Qaranka,waxayna inbadan oo ka mid ah balan qaadeen in ay bixinayaan wax walba oo dalkooda lagu samatabixinayo balse ay sugayaan hanaankii ay mari lahayeen iyo in dowladu soo diyaariso qorshe lagu caawiyo.
Mas’uuliyiintii ka socotay dowladda gobolka Kentucky ee xaflada ka hadlay ayaa ugu baaqay jaaliyada Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii dalkii ay colaadaha uga soo carareen u cawinlahayeen una garab istaagi lahayeen dowlada Cusub oo uu hogaaminayo Madaxweyne adinka oo kale ahaa shalay dalka Mareykankana wax ka bartay taas oo na farax galinaysa.
Waxaa la soo bandhigay ciyaaraha dhaqanka, Heeso, iyo Suugaan kala duwan oo dhamaan ka tarjumayay isbadalka Soomaaliya.
Arimaha la xariira Abaaraha ayaa lagu dhawaaqay in sida ugu dag daga badan loo sameeyo Gudi reer Kentucky ah oo ka qeyb qaata caawinta dadka abaaruhu halakeeyeen gudaha Soomaaliya.
Kentucky oo ka mid ah meelaha ay Soomaalida aadka u yar ku noolyihiin waxa ay Soomaalidu ka dhex muuqdaan Jaaliyadaha kale iyaga oo sameeyay Horumar dhanka Nolosha ah, isla markaana la shaqeeya dowlada Gobolkooda.
Deeqo SONNA