Tuesday, March 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoonka golaha shacabka oo kormeeray hoolka ay ka dhaceyso caleema saarka Madaxweynaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Barlamanka oo dalka ku soo laabtay kadib safar uu ku tagay dalalka Ciraaq iyo Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

March 17, 2026
Wasiirka Cadaaladda XFS oo  lagu soo dhaweeyey UK

Wasiirka Cadaaladda XFS oo lagu soo dhaweeyey UK

March 16, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uu wehliyey Ku xigeenkiisa koobaad ayaa kormeeray goobta maalinnimada berri ah lagu qabanayo caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”waxaa ku wehliyey kormeerka uu ku tagay goobta lagu qabanayo caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee la doortay Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey waxaana ay u kuur galayeen qaabka loogu diyaar garoobay Munaasabadda Caleema Saarka.

Intii ay ku sugnaayeen Guddoonka Golaha Shacabka hoolka ay ka dhaceyso Munaasabadda Caleema Saarka waxa ay warbixinno ka dhageysteen xubnaha guddiga qaban qaabada Munaasabadda oo ah guddi ka kooban Wasiirro,Xildhibaanno iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux), sidoo kalena waxaa goobtaasi lagu diyaarinayey qaabka masrixiyadda loosoo bandhigayo suugaanta wadaniga ah iyo ciyaarro hidaha iyo dhaqanka ah, isla goobta ayeyna sidoo kale kulan kula qaateen saraakiisha ammaanka iyo guddiga.

Qaban qaabada iyo diyaar garowgeenna waa mid heerkiisu sareeyo maalmahan oo dhanna waxaan u shaqeynay si joogta ah ayuu u sheegay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo waa madaxweynihii labaad ee lagu doorto laguna caleemo saaro dalka gudihiisa bur burkii kadib, waxaana caleema Saarka kasoo qeybgali doono Madaxweyneyaasha dalalka Qaaradda Afrika qaarkood haba ugu horeeyaanee Madaxda gobolka.

Previous Post

Hooyo Khadiijo “3-Carruur ah ayaa baahi iiga dhimatay aniga oo arkaya” DAAWO

Next Post

Dood cilmiyeed ku saabsan doorashadii ka dhacday dalka oo lagu qabtay Sudan

Next Post
Dood cilmiyeed ku saabsan doorashadii ka dhacday dalka oo lagu qabtay Sudan

Dood cilmiyeed ku saabsan doorashadii ka dhacday dalka oo lagu qabtay Sudan

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

March 17, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Cadaaladda XFS oo  lagu soo dhaweeyey UK

Wasiirka Cadaaladda XFS oo lagu soo dhaweeyey UK

March 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macalin, oo safar shaqo ku jooga United...

Somali Leaders Honor Fallen Soldiers and Celebrate Military Gains During Ramadan

Somali Leaders Honor Fallen Soldiers and Celebrate Military Gains During Ramadan

March 16, 2026
0

The Ministers of Defense, Ahmed Moallim Fiqi; Education, Culture and Higher Education, Farah Sheikh Abdulkadir; Transport and Civil Aviation, Mohamed...

SoDMA, South West Ministry Launch Emergency Food Aid for Drought-Affected Families in Baidoa

SoDMA, South West Ministry Launch Emergency Food Aid for Drought-Affected Families in Baidoa

March 16, 2026
0

The Somali Disaster Management Agency (SoDMA), in collaboration with the South West State Ministry of Humanitarian Affairs, today launched the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In