Dood cilmiyeed ay soo agaasimeen Midowga sharciyaqaannada ardayda Soomaaliyeed ee dalka Sudan ayaa lagu qabtay dalkaasi Sudan.
Doodda ayaa diiradda lagu saarayay doorashadii habka dimuquraadiyadeed u dhacaday taa oo ka qabsoontay magaalada Muqdisho laguna doortay madaxweene Maxamed Cabdulaahi “Farmaajo” waxaana dooddaasi ka qeyb qaatay maamulihii hore ee jaamacadda caalamiga ah ee Ifriiyiqa Dr. Xasan Maki iyo, Dr. Cabduqaadir \cali Guullane oo ah u qeeybsanaha dhaqanka hiddaha iyo tacliinta sare ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Sudan, iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed.
Dr. Cabduqaadir Cali Guullane ayaa sheegay in Soomaaliya ay u talaabsatay dhanka horumarka darsi lama iloobaan ahna u dirtay wadamada Afrika iyo madaxda carabta qaar oo inta badan si dimuquraadiyad ah xilalka isugu wareejin.
Dhanka kale guddoomiyaha Midowga Sharciyaqaannada ardayda Soomaaliyeed ee dalka Sudan Salaad Cowseey oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa tibaaxay in aysan dhicinin madaxda Afrika ee xilal kala duwan ka soo qabatay dalalkooda oo heer madaxweene soo gaaray haddana si dimquraadiyad leh isugu wareejiyay xilka aysan ka dhicin Africa inteeda badan, Soomaaliyana taas horseed u noqotay oo sadaxdii madaxweene madaxweenaha la doortay iyo labadii ka horeesayba inta gacmaha isqabsadeen si nabad galyana xilalka isugu wareejiyay.
Midowga sharciyaqaanada ardayda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan ayaa ballan qaaday in ay sii laba jibaaridoonaan doodaha nuucan oo kale ah ee lagu shiilayo maskaxda aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Suudan talooyinkoodana ay u gudbin doonaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo jihooyinka ay quseeyso.