Tuesday, June 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO SAWIRRADA: Banaan bax lagu taageerayay Ra’iisul wasaaraha cusub oo ka dhacay taalada Daljirka Dahsoon

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka, Xulashada
0
DAAWO SAWIRRADA: Banaan bax lagu taageerayay Ra’iisul wasaaraha cusub oo ka dhacay taalada Daljirka Dahsoon
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Banaan baxan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal dadweyne oo ka kala yimid 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa isugu yimid taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, kaasi oo lagu taageeraayay Ra’iisul wasaaraha Cusub ee uu soo magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Isu soo baxan Nabadeed oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka qeyb galay  galay Guddoomiyaha Gobolka, kuxigeenadiisa, qaar ka mid ah Guddoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, Nabadoonno iyo dad weyne aad u fara badan.

Related posts

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

June 15, 2026
Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

June 15, 2026

Dadweynihii ka soo qeyb galay banaan baxan oo u badnaa haween ayaa watay calanka Soomaaliya, Sawirada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Nabadoon Axmed Diiriye iyo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah nabadoonadii ka qeyb galay dibadbaxaasi ayaa ka dalbaday Dowlada Cusub in ay ahmiyad gaar ah siiyaan daryeelka kor u qaadista tayada Ciidamada Qaranka.

Gudoomiye ku-xigeenka arrimaha Siyaasadda iyo amniga Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka ee gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa si wada jir ah Barlamaanka uga codsaday inay garab istaagaan Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay siiyaan codka kalsoonida.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xusen Jimcaale Madaale ayaa sheegay in xiligan Ummadda Soomaaliyed ay cagta saartay waddadii Dowladnimada iyo Horumarka, isla markaana ay ka gudubtay qabyaaladda, waxaana uu intaa ku daray inay taageerayaan Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka.

Duniyo Maxamed Cali ayaa sheegtay in xukumadda cusub ee uu soo dhisayo Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre looga baahanyahy inay ka soo muuqdaan wajiyo cusub oo ay noqoto dowlad wanaag.

2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 29

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka tanaasulay saamiyadii uu ku lahaa Shirkadda SOME OIL AND GAS

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Boosaaso “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Boosaaso “SAWIRRO”

Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Boosaaso "SAWIRRO"

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

June 15, 2026
0

AMNIGA • Xoreynta deegaanno iyo magaalooyin ka badan 120 oo horay uga maqnaa gacanta dowladda. • Xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho....

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

June 15, 2026
0

Muqdisho – Waxaa maanta si rasmi ah loo daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir, Sanad-dugsiyeedka 2025–2026,...

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

June 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

June 14, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ganacsato iyo maalgashadayaal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In