Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaaska mid kamid ah horjoogayaasha Ajnabiga ah ee Al-shabaab oo Muqdisho lagu qabtay

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Xaaska mid kamid ah horjoogayaasha Ajnabiga ah ee Al-shabaab oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sirdoonka Soomaaliya ayaa soo qabtay xaaska mid kamid ah horjoogayaasha ajnabiga ah ee  Al-shabab, kana mid ah kooxda qaabilsan marin habaabinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Leyla Cumar Baaruud waa xaaska Horjeege Ajinabi ah oo dhalashadiisu tahay Ethiopian, ciidamada sirdoonka Soomaaliya ayaa ku raad joogay muddo shan bil ah oo ay ku dhuumaaleysaneysay qeyba kamid ah degmooyinka gobalka Banaadir.

Related posts

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

October 12, 2025

Leyla ayaa kooxda al-shabaab u qaabilsaneyd tashkiilinta iyo marin habaabinta Carruurta iyo haweenka, iyadoo malcaamad xifdinta Qur’aanka Kariimka  lagu barto ku laheyd gobalka Jubbada hoose.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa waabarigii maanta Leyla ku qabtay degmada Cabdicasiis xilli ay dooneysay in gurigeeda hortiisa ay gaari ka raacdo.

Laylo Cumar Baaruud, oo ah hooyo labo caruur ah leh, waxeey u muuqaataa in ay ku maashoowday marin habaabinta qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in ay howshan ku jirtay muddo todobo sano ah, taas oo dhaxalsiisay in ay ku fogaato aragtida qalafsan ee kooxda sida ka muuqata waraysiga ay bixisayna waxeey ku haminaysaa in ay disho naftayda isla markaana marato dad badan oo muslimiin ah, waxeeyna tusaale u tahay Laylo heerka ay Al-Shabaab garsiiyeen dad badan oo ay uga faa’iidaysteen aqoon yarida, ilaa ay u badaleen kuwo xanbaarsan aragti khilaafsan shareecada Islaamka iyagoo isla saxsan waliba.

Haweeneydan ayaa si indho la’aan ah ugu jirtay safar ay ku baadigoobeysay seygeeda oo ah nin Ajnabi ah oo loogu sheegay degmada Jilib, sida ka muuqata hadalkeeda.

Marin habaabinta Leyla waxaad ka dheehaneysaa fikirka ay ka aaminsan tahay qaraxyada naftii hallignimada ee ay Al-shabaab ku dhibaateeyaan shacabka.

Previous Post

Madaxweynaha oo dalka ku soo laabtay

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo Barlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan R/wasaaraha, kana hadlay safarkiisii Sacuudiga+Sawirro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Barlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan R/wasaaraha, kana hadlay safarkiisii Sacuudiga+Sawirro

Madaxweyne Farmaajo oo Barlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan R/wasaaraha, kana hadlay safarkiisii Sacuudiga+Sawirro

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (ICA Somalia) ayaa sheegtay inay horumar weyn ka samaysay geedi socodka soo saarista baasaboorka Soomaaliga...

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddiga soo xulista Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In