Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoonka Golaha Shacabka Oo Shaaciyey In Kalfadhiga 1aad Uu Si Rasmi Ah U Furmi Doono…WARSAXAAFADEED

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Guddoonka Golaha Shacabka Oo Shaaciyey In Kalfadhiga 1aad Uu Si Rasmi Ah U Furmi Doono…WARSAXAAFADEED
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey in Kalfadhiga 1aad ee Golaha Shacabka uu si rasmi ah u furi doono maalinta arbacada ah ee soo socota oo ay taariikhdu ku beegan tahay 01-March-2017.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa yiri “waxaan ku wargelinayaa Jaalleyaasha Golaha Shacabka in ay u diyaar noqdaan furitaanka Kalfadhiga 1aad ee Golaha Shacabka oo si rasmi ah u furmi doona maalinta arbacada ah ee ay taariikhdu tahay 01-March-2017, saa daraadeed waxaa Xildhibaannada Golaha Shacabka laga doonayaa dhammaan iney diyaar ku yihiin maalintaas xarunta Golaha Shacabka, saacadda 09:00am subaxnimo”

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026

“Waxaa na hor yaala howlo culus oo muhiim u ah dhameystirka dowlad dhisidda Soomaaliya oo qeyb weyn oo ka mid ah ay Xildhibaannada si hufan usoo guteen waxaanna si xushmad iyo qadarin leh uga codsanayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka in si aan u gudanno waajibaadkaas na horyaala ay dhowraan waqtiga islamarkaana usoo xaadiraan furitaanka Kalfadhiga 1aad “ayuu hadalkiisa raaciyey Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

27kii December 2016 ayey soo bilowdeen howlaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya xiligaasi oo wadajir loo dhaariyey Xildhibaannada labada aqal balse furitaanka rasmiga ah Kalfhiga 1aad ee Golaha Shacabka ayaa noqonaya maalinta arbacada ee soo socota ee 01-March-2017 waxaana si rasmi ah u furi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Previous Post

Soomaalida Mareykanka ku nool oo qabtay xaflad lagu taageerayo Dowladda “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir oo guddi soo qiimeeya u saaray musiibadii ka dhacday Suuqa Bakaaraha “Dhageyso”

Next Post
Faahfaahinta dabkii suuqa Barakaaraha “SAWIRRO”

Guddoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir oo guddi soo qiimeeya u saaray musiibadii ka dhacday Suuqa Bakaaraha "Dhageyso"

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa deeq gargaar raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo nugul oo ku nool magaalada...

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta amniga...

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In