Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo kulan casho sharaf ah u sameeyey Xildhibaannada Baarlamaanka.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo shacabka ka codsaday iney joojiyaan dibadbaxyada+Daawo Video
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” ayaa kulan casho sharaf u sameeyey Xildhibaannada labada aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya kaddib anisixintii Ra’iisul wasaaraha  Soomaaliya.
Kulanka casho sharafta  ah ee uu madaxweynaha Qaranka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u sameeyey xildhibaannada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa ay ka dhacdey Villa Somalia, waxaana ka soo qeyb-galay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre  iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte.
Sidoo kale waxaa madadaallo iyo heeso ku soo bandhigay kulanka cashada Fannaaniinta hobollada Qaranka Waaberi.
Madaxweynaha, Guddoomiyaha golaha shacabka iyo Ra’iisul wasaaraha, ayaa xildhibaannada dhexgalay, si ay ugu muujiyaan mahadcelinta cashada sharafta.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa si weyn ugu mahadceliyey Xildhibaannada Barlamaanka  Federaalka Soomaaliya, waxa uuna ku taliyey in wadajir dalka loogu adeeggo,  waxa uu sheegay in ay gacan ku siiyaan xildhibaannada sidii uu uga shaqeyn lahaa wax ka qabashada xaaladda abaaraha ee uu dalka ku jiro.
Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), ayaa dhankiisa sheegay in ay wada shaqeyn doonaan  madaxda Qaranka oo dhan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa khubaddiisa ka hor si gaar ah uga mahadceliyey hobollada Fannaaniinta Waaberi oo uu mid mid u gacan qaadey.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in dalka uu ku hoggaaminayo nabaddoonnimo, rajada shacabkuna ay ka dhabbeyn doonaan, waxa uu intaa raaciyey in  dowladdiisa ay khilaaf ka madax bannaan doonto.
Xildhibaannada golaha shacabka oo gutay waajibaadkooda Destuuriga, ayaa anisixyey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo dhowaan la sugayo Xukuumadda uu soo dhisi doono Ra’iisul wasaaraha si dalka looga saaro marxaladaha adag ee uu ku jiro.
Previous Post

Xildhibaan Samra oo ka warbixisay xaalada degmada Qansax dheere-Dhageyso

Next Post

R/wasaaraha cusub oo xilka kala wareegay R./wasaarihii hore “Sawirro”

Next Post
R/wasaaraha cusub oo xilka kala wareegay R./wasaarihii hore “Sawirro”

R/wasaaraha cusub oo xilka kala wareegay R./wasaarihii hore "Sawirro"

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Laba ka tirsan ciidamada Macawisleyda deegaanka Wargaadhi, ayaa21-ka Agoosto 2026 deegaanka Tawakal oo qiyaastii shan kiiloomitir u jira Cali...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
0

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

August 22, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta...

Ciidanka Xoogga Dalka  oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

August 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howgal qorsheyn ka fuliyey gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday goobo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In