Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo kulan casho sharaf ah u sameeyey Xildhibaannada Baarlamaanka.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo shacabka ka codsaday iney joojiyaan dibadbaxyada+Daawo Video
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” ayaa kulan casho sharaf u sameeyey Xildhibaannada labada aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya kaddib anisixintii Ra’iisul wasaaraha  Soomaaliya.
Kulanka casho sharafta  ah ee uu madaxweynaha Qaranka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u sameeyey xildhibaannada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa ay ka dhacdey Villa Somalia, waxaana ka soo qeyb-galay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre  iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte.
Sidoo kale waxaa madadaallo iyo heeso ku soo bandhigay kulanka cashada Fannaaniinta hobollada Qaranka Waaberi.
Madaxweynaha, Guddoomiyaha golaha shacabka iyo Ra’iisul wasaaraha, ayaa xildhibaannada dhexgalay, si ay ugu muujiyaan mahadcelinta cashada sharafta.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa si weyn ugu mahadceliyey Xildhibaannada Barlamaanka  Federaalka Soomaaliya, waxa uuna ku taliyey in wadajir dalka loogu adeeggo,  waxa uu sheegay in ay gacan ku siiyaan xildhibaannada sidii uu uga shaqeyn lahaa wax ka qabashada xaaladda abaaraha ee uu dalka ku jiro.
Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), ayaa dhankiisa sheegay in ay wada shaqeyn doonaan  madaxda Qaranka oo dhan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa khubaddiisa ka hor si gaar ah uga mahadceliyey hobollada Fannaaniinta Waaberi oo uu mid mid u gacan qaadey.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in dalka uu ku hoggaaminayo nabaddoonnimo, rajada shacabkuna ay ka dhabbeyn doonaan, waxa uu intaa raaciyey in  dowladdiisa ay khilaaf ka madax bannaan doonto.
Xildhibaannada golaha shacabka oo gutay waajibaadkooda Destuuriga, ayaa anisixyey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo dhowaan la sugayo Xukuumadda uu soo dhisi doono Ra’iisul wasaaraha si dalka looga saaro marxaladaha adag ee uu ku jiro.
Previous Post

Xildhibaan Samra oo ka warbixisay xaalada degmada Qansax dheere-Dhageyso

Next Post

R/wasaaraha cusub oo xilka kala wareegay R./wasaarihii hore “Sawirro”

Next Post
R/wasaaraha cusub oo xilka kala wareegay R./wasaarihii hore “Sawirro”

R/wasaaraha cusub oo xilka kala wareegay R./wasaarihii hore "Sawirro"

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In