Kulanka uu la yeeshay maanta gudoomiyaha golaha Shacabka jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cusmaan (Jaawari) dhalinyarada ku jira golaha shacabka ayaa waxaa uu ku saabsanaa sidii loo jihayn lahaa mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed, sida loogu sameyn lahaa wacyigalin iyo in ay haleen wax walbo oo waajibaad ah oo dalkooda ku leeyahiin.
Xildhibaanada dhalinyarada ah ee ku jira baarlmanka jamhuuriyadda ayaa tiradoodu tahay 26% ayaa guddoomiyaha golaha shacabka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan horumarinta dhalinyarada iyo sidii qorshe oo ku saabsan istaraajiyada dhalinyarada ku jirta barlaamanka iyo mustaqbalka dhalinta Soomaaliyeed oo ah xooga qaranimadda Soomaaliya.
Qodabada ugu waa weyn ee dhalinyarada looga baahan yahay ayaa guddoomiyaha baarlamaanku ku dheeraaday ka hadlkooda waxaana qodobadaas kamid ah shaqo abuurka dhalinyarada, ka wacyigelinta afkaaraha khaldan sida argagaxisada iyo sidii loo hoga tusaaleyn lahaa kuwa ku dhamaanaya badaha isla markaana dadkooda u iimansan lahaayeen.
Guddoomiyaha golaha shacabka jamhuuriyadda federaalka Soomaalia Mudane Maxamed Sheekh Cismaan ayaa dhalinyarada kulanka joogtay ku adkeeyay in ay ka shaqeeyaan sidii dalka horumarkiisa gacan loogu geysan lahaa maadaama dhalinyarada ay yihiin xooga qaranka.
Qiyaasaha tiro koobka dadka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegaa in ay dhalinyaradu yihiin kuwo ugu badan, taas oo micinaheedu yahay in dalkan uu heysto xoog badan oo u baahan in loogu faa’ideeyo dib u dhiska dalka ku yaal geeska Afrika ee Soomaaliya.