Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Adan Jimcaale (Koofi) ayaa maanta xariga ka jaray Xarun dhexe oo ay Hay’addu ka furtay magaalada Baydhabo Xarunta KMG ah ee Maamulka Koofur Galbeed waxaana xaruntan laga maamuli doonaa dhamaan xarumaha ay Hay’addu ku leedahay Deegaanada Maamulka Koofur Galbeed.
Xaflada Furitaanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro Xidhibaano iyo maamulka Gobolka Baay waxaana ay dhamaan si isku mid ah u balan qadeen in ay si buuxda ula shaqeyn doonaan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dhamaan xarumaha ay ku leedahay Koofur Galbeed.
G/sare Koofi ayaa dhankiisa Xaflada ka sheegay in ay dhawaan deegnada uu ka arimiyo maamulka Koofur Galbeed ka furi doonaan xarumo kale oo ay Hay’addu leedahay ayna ugo soo horeeyaan xarumo laga hirgaliyo Magaalooyinka Ceel Barde iy Xudur.