Sunday, May 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo iyo Guterres oo wadajir bulshada caalamka ugu baaqay ka qeyb-galka gurmadka abaaraha Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo iyo Guterres oo wadajir bulshada caalamka ugu baaqay ka qeyb-galka gurmadka abaaraha Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta la kulmay Xog-yaha guud ee Qaramada Midoobey iyo wefdi uu hoggaaminayo oo yimid magaalada Muqdisho.

Antonio Guterres Xog-hayaga guud ee Qaramada Midoobey markii uu yimid Muqdisho, waxaa soo dhoweeyey wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya kaddibna  uu kulan gaar ah la qaatey madaxweynaha Soomaaliya.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

May 17, 2026
Warbixinta ITU Soomaaliya oo noqotay Dalka ugu horumarka badan Adduunka dhanka dib-u-habeynta Isgaarsiinta

Warbixinta ITU Soomaaliya oo noqotay Dalka ugu horumarka badan Adduunka dhanka dib-u-habeynta Isgaarsiinta

May 17, 2026

Madaxweyne JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Faraamajo  iyo Mudane  Guterres ayaa ugu horreyn ka hadlay xaaladaha adag ee abaaraha ka jira Soomaaliya oo aad u sii darsadey, madaxweynaha ayaa  u sheegay in abaartu aysan xilligaan u baahneyn hadal keliyah oo ay tahay in si dhab ah wax looga qabto.

Kulanka  waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, C/salaam Hadliye Cumar, Ergeyga gaarka ah ee Q.M Soomaaliya u qaabilsan Michel Cheating  Safiirka Soomaaliya ee Q.M u fadhiya Yuusuf  Garaad Cumar iyo Saraakiil ka socotay hey’adaha gargaarka bini’aadannimo ee Q.M.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xog-hayaha guud ee Q.M ayaa shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho kulankooda kaddib.

Madaxweyne Farmaajo, waxa uu sheegay in isaga iyo Guterres ay ka wada hadleen in gurmadka abaaraha la dadajiyo, isla markaana la badbaadiyo nolosha Malaayiin dad Soomaaliyeed oo helis ugu jirta abaarta, isla markaana dowladdiisa lagu gacan siiyo wax ka qabashada arrintaan xannuunka badan, dowladda Soomaaliyana ay waddo dedaallo xooggan la xiriirra sidii aanan marnaba looga hakan lahayn gurmadka Abaaraha iyo in  la fuliyo Istaraatiiiyadda ay ka leeyihiin ka hortagga musiibooyinka sida abaaraha oo kale.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu kala hadlay  Xog-yaha Q.M ay arrimaha amniga, qorshaha dowladda uga degan, dhismaha ciidanka iyo la dagaallanka argagixisada oo uu sheegay in laga qaadi doono tallaabbo ay ku mideysan yihiin dowladda iyo saaxiibada Soomaaliya.

Dhinaca kale Antonio Guterres, ayaa sheegay in uu dareemay markii ugu horreysay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay wax ka qabashada xaaladda adag ee abaaraha, isla markaana iyadoo taasi laga faa’ideysanayo uu ugu baaqayo  bulshada caalamka in ay si deg-deg ah ugu soo gurmadaan dadka masaakiinta ah ee noloshooda helista ku jirto, u jeedada booqashadiisana ay tahay sidii uu Soomaaliya ugu soo jeedin lahaa indhaha bulshada caalamka.

Xog-hayaha guue ee Qaramada Midoobey waa booqashadii ugu horeysay ee uu dalka dibeddiisa ku soo aado, isagoo Soomaaliya ku sheegay in ay muhiim u tahay, maadaama uu in muddo ah ka soo shaqeynayey arrimaha bini’aadannimada, dowladdana uu  kala kulmay wiji cusub oo ku aaddan iskaashi  iyo ka howl-gelidda abaaraha iyo ka hortaggooda.

Previous Post

Madaxweyne farmaajo “dowladeyda waxa ay ahmiyada kowaad siineysaa gurmadka abaaraha”

Next Post

Xarun dhaxe oo ay leedahay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa laga furay Baydhabo.

Next Post
Xarun dhaxe oo ay leedahay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa laga furay Baydhabo.

Xarun dhaxe oo ay leedahay Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa laga furay Baydhabo.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo safar shaqo ku jooga Yurub...

Warbixinta ITU Soomaaliya oo noqotay Dalka ugu horumarka badan Adduunka dhanka dib-u-habeynta Isgaarsiinta

Warbixinta ITU Soomaaliya oo noqotay Dalka ugu horumarka badan Adduunka dhanka dib-u-habeynta Isgaarsiinta

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday dalka sameeyay sare-u-kaca ugu weyn adduunka ee dhanka dib-u-habeynta xeer-nidaaminta Isgaarsiinta, sida ku cad Tirakoobka...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo kormeeray goobaha la dejiyay xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo kormeeray goobaha la dejiyay xujeyda Soomaaliyeed

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa kormeer ku tegay qaar ka mid ah...

Ururadii ka qeyb galay Doorashadii K/Galbeed oo isbaheysi siyaasadeed sameystay

Ururadii ka qeyb galay Doorashadii K/Galbeed oo isbaheysi siyaasadeed sameystay

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur ( Aadan Madoobe), ayaa caawa kulan miradhal ah la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In