Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Raysul Wasaare Khayre oo qadka telefoonka uga qayb galay xaflad lagu taageerayay oo Suudaan ka dhacday ”SAWIRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Raysul Wasaare Khayre oo qadka telefoonka uga qayb galay xaflad lagu taageerayay oo Suudaan ka dhacday ”SAWIRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladdan oo ay soo abaabuleen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan ayaa waxaa kasoo qayb galay boqolaal isugu jira arday, iyo jaaliyad kuwaas oo muujiyay  xafladda inta ay socotay in taageersan yihiin Raysul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale xafladaas ayaa waxaa kasoo qayb galay Diblumaasiyiin ka socday Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan oo ay ka mid ahaayeen Lataliyaha koowaad Abukar Boston, Fiidow Maxamuud Fiidow Uqaybsanaha Warfaafinta iyo Agaasimaha Waaxda Baasaboorada ee Safaaradda Cabdulaahi Sheekh Cabdisamad Ibraahin.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Xafladda inta ay socotay ayaa waxaa ka hadlay Xoghaya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan Cabdiwali Xasan Xuseen Fadiilatu isagoo sheegay in wadankii horumar wayn ku tilaabsaday isla markaana la gaaray xiligii ay wadanka horkacayeen raggii loo baahnaa.

Fadiilatu ayaa yiri ” Xafladda waxaa hal ku dhig uga dhignay dib u dhis iyo dib u hishiiseen waa tiirka dowladeena, sidaa darteed muwaadin qoriga dhig qalinka qaado Khayre taageer ”

Waxaa munaasabadaas ka hadlay mas’uuliyiin matalayay Safaaradda , Ururada Ardayda, Haweenka, Dhalinyarada iyo Odayaal Soomaaliyeed kuwaas oo dhamaan taageero u muujiyay raysul Wasaaraha uguna duceeyay in xilkaas Illaah ku asturo oo ku guuleeyo.

Raysul Wasaaraha oo qatka telefoonka ugala hadlay dadwaynihii halkaas joogay ayaa uga mahadceliyay is xilqaanka iyo taageerada ay u muujiyeen Soomaalida Suudaan ku dhaqan, midaas uu raysul wasaaraha ku tilmaamay in ay tahay taageeridda dimuqaraadiyad iyo isxisaabid toos ah oo wadanka ka curatay

Raysul Wasaare Khayre ayaa intaa sii raaciyay in wadanka xiligan abaaro ka jiraan loona baahan yahay in Ardayda Jaaliyadda Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan ay kacaan ayna gacan ka geystaan abaabulka socda ee gurmadka ah ayna la xishoon waxii ay awoodaan , kii aan wax awoodina in uu duco ku taageero.

Xaflado badan oo lagu taageerayo Raysul Wasaare Khayre ayaa ka kala dhacay wadamo badan oo aduunka ku kala yaala.

Previous Post

R/wasaare Xasan Kheyre oo Dad weyne Badan la dukaday Salaad Roob Doon ah (SAWIRRO)

Next Post

Mudanayaasha aqalka sare oo maanta kulmay

Next Post

Mudanayaasha aqalka sare oo maanta kulmay

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In