Monday, February 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

NATO oo ka hadashay haddii Scotland ka go’do UK

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xog-hayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in Scotland aysan si degdeg ah ku noqon doonin xubin ka tirsan xubnaha ka midka ah xulufada milatariga Yurub.

Isagoo ku sugan Brussels kana hadlaya xaalka u dhexeeya  Glasgow & London wuxuu yiri, “Haddii Scotland u codayso inay ka go’do UK taasi waxay la macne tahay inay Scotland ka baxday difaaca Yurub.

Related posts

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

February 9, 2026
Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista

February 9, 2026

Wuxuu kaloo intaa sii raaciyay, “Haddii Scotland ay ka go’do UK waa inay kasbataa aqbalaadda 28 waddan oo ka tirsan xulufada Yurub intaysan noqon waddan cusub oo kusoo biira NATO”.

Wuu sii hadlay  oo wuxuu yiri, “Hadday dhacdo, waxay noqonaysaa inay UK wali kamid tahay xubin ka tirsan NATO, laakiin waddan gooni u taagan hadday noqoto waa inay soo codsadaan kamid noqoshada Yurub waana inay arrinkaas go’aan ka gaaraan dhammaan xubnaha NATO.

Wuxuu kalo intaa ku daray, “Dhammaan go’aamada NATO waxay ku dhisan yihiin wadatashi, marka waxaan u baahannahay inay xubnohoo idil kawada tashadaan”.

Si kastaba xaal ha joogee, Scotland waxay xaal isaga mid yihiin qayb kamid ah dalka Spain oo mashaqo tanoo kale ah ka taagan tahay. Gobolka la yiraahdo Catalonia oo Spain ka tirsan ayaa isaguna wuxuu doonayaa inuu iskiis isku maamulo oo noqdo dowlad iskeed u taagan sida Scotland iminka doonayso.

Haddii Scotaland ay ka go’do UK waxay dhibaato ku noqonaysaa Yurub, sababtoo ah waxaa Scotland ku yaala goobo difaac oo ay yaallaan Nueclear.

Sidoo kale UK hubkeeda Nueclearka ee dhooban meel u dhow Glasgow waxay noqon doontaa inay daad-gureeyaan, waana arrin culayskeeda leh.

Maxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway.
[email protected]

Previous Post

Mudanayaasha aqalka sare oo maanta kulmay

Next Post

Faallo: Marxuum Jaamac Cali Ibraahim Maxaa Loo Dilay?

Next Post
Faallo: Marxuum Jaamac Cali Ibraahim Maxaa Loo Dilay?

Faallo: Marxuum Jaamac Cali Ibraahim Maxaa Loo Dilay?

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

February 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa magaalada Geneva kulan miro-dhal...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista

February 9, 2026
0

Wasaaradaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa...

Dowladda Soomaaliy oo soo dhaweysay dib u soo celinta ka-qeybgalka buuxa Suudaan ee IGAD

Dowladda Soomaaliy oo soo dhaweysay dib u soo celinta ka-qeybgalka buuxa Suudaan ee IGAD

February 9, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran u soo dhaweynaysaa go’aanka ay Dowladda walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Suudaan dib ugu billowday...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

February 9, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In