Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Koofur Afrika oo caqabad soo wajahday.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 16, 2017
in Wararka
0
Heshiis laga gaaray rabshad ka dhacday goobo  Soomaalida Koonfur Afrika ku ganacsadaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jaaliyada Soomaalida ee ku nool gobolka Limpopo ee dhaca xadka wadanka South Africa uu la leeyahay Zimbabwe ayaa walaac xoogan ka muujiyay warqado digniin ah oo kasoo baxay schoolada dowlada South Africa ay ku leedahay gobolkaasi kuwaa oo ku saabsanaa in caruurta aan heysan passport ama ID South Africaan ama midka dalka ay  u dhasheen laga saari doono goobaha waxbarashada mudada saddaxda bilood ah ee soo socota.

Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee gobolkaasi Daahir Xasan Hilowle ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in ku dhawaad boqol caruur Soomaali ah ay dhici karto in schoolada laga saaro saddaxda bilood ee socota hadii aysan waalidiintooda buuxin sharuudahaasi.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025

“Arintaan runtii waxaa ay nagu noqotay caqabad weyn ilaa 100 arday oo soomaali ah ayaa laga yaaba in ay saameyn ku yeelato kuwaa oo dhigta schoolada ku yaala gobolkaan Limpopo”

Najmo Xasan waa ardayad dhigta dugsiga Sare ee gobolkaasi waxaa ay warbaahinta qaranka u sheegtay dareenkeeda markii fasalkii ay fadhisay laga soo dhax saaray loona sheegay in laga doonayo warqadahaasi hadii kale schoolka aysan imaan doonin.

“Waxaan dareemay in aan ruux kale ahay waxaan isku heystay qof South Africaan ah Maadaama halkaan ku dhashay balse aniga ma istaagin meel aan raacana waan waayay lakiin waa la i soo saarayaa hadii magac yada la aqriyo”

Yusra Maxamed iyo Hooyo Xaawo oo ka mid ah waalidiinta Soomaalida ee gobolkaasi ku nool ayaa dhankooda walaac ka muujiyay arintaani.

“Waxaa ay nagu noqotay naxdin iyo amagaag in caruurteena schoolka laga soo saara la dhaho maxaa yeelay maba heysano wax kale oo aan adeegsano hada”

“Warqado Qaxooti ah ayaa dalkaan ku joognaa lakiin hadii hada nala dhaho passport la imaada waa dhib kale oo ay wajahi doonaan waalidiinta “

Gudoomiyaha Guddiga midnimo 2 ee Soomaalida South Africa Dr Maxamed C/laahi Ayaa warbaahinta u sheegay in ay la kulmeen hey’ada UNHCR isla markaana ay kala hadleen walaaca ay qabana Soomaalida waxaana ay rajo wanaagsan ka muujiyeen in cabashadooda loo gudbiyo wasaarada waxbarashada South Africa.

“Waxaan la kulany Hey’ada UNHCR waxaan u gudbinay warqadii nala soo diray iyo cabashadeena anaga oo sido kale u sheegay walaaca ay qabaan jaaliyada waxaana ay noo balan qaadeen in ay wax naga la qaban doonaan arintaan”

Markii ay kasoo laabteen kulankaasi gaarigii ay wateen uu kala baxay wadada isla markaana uu ka dhacay dhacay buundo weyn balse alle uu badbaadiyay mana jiraan wax qasaare naf ah oo gaaray marka laga reebo gaarigii ay wateen oo intiisa badan bur buray.

Previous Post

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo la kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain

Next Post

Siminaar Ku saabsan Xuquuqul Insaanka oo lagu qabtay deegaan ka tirsan Galmudug.

Next Post
Siminaar Ku saabsan Xuquuqul Insaanka oo lagu qabtay deegaan ka tirsan Galmudug.

Siminaar Ku saabsan Xuquuqul Insaanka oo lagu qabtay deegaan ka tirsan Galmudug.

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad ee xornimada iyo Midnimada...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65-...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

July 1, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii oo Isniin ahayd kaga qeybgalay Xuska 65...

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

July 1, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In