Kulankaan oo ahaa mid casho ah isla markaana ay soo qabanqaabisay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan ayaa waxaa ka ย ka qeyb galay Safiirka Dowladda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Mudane Maxamed Cabdulaahi Ugaas Faarax, guddoomiyaha Jaaliyaddda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan Cabdi wali xasan xuseen Fadiilatu, La taliyaha kowaad Ee safaradda Abuukar Boston, u qeybsanaha Warfaafinta Safaaradda Fiidow Maxamuud Fiidow iyo Suldaan Kamaal oo Ka mid ah guddiga abaaraha ee ka jira dalka Suudan.
U jeedka kulanka ayaa ahaa Sidii loo qaban lahaa bandhig Faneed Gacan looga geysanayo abaaraha ka jira dalkeena Soomaaliya kaas oo uu qaban doono fanaan Nimcaan Cabdiraxman oo ku sugan dalkaasi.
Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Daka Suudaan ย Maxamed C/llahi Ugaas oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in la qaban doono bandhiggaan si dhaqaalo loogu uruuriyo dadka ay abaaruhu sameeyeen.
Dhanka kale Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan (Nimcaan Hilaac) oo ย la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa ka codsaday dhamaan Soomaalida ku nool ย magaalada Khartoum ee dalka suudaan ย inay ka soo qayb galaan bandhigan lagu Caawinaayo walaalahood dhibaateysan
Dhawaan aayaa guddi heer qaran ah ย oo ka kooban 15 lagu doortay Caasimadda Khartoum ee Dalka Suudaan ย kuwaas oo ka qeyb qadan doona gurmadka loo fidinayo dadka ay abaartu saameysay.
Sawir Qaade Yuusufย Maxamed Macalin (Yuusuf Kashmiir)