Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo deeq ku wareejisay guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo deeq ku wareejisay guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed re NISA ayaa deeq isugu Jirta lacag, Raashin iyo Dawo ku wareejisay gudfiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha.

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Jeneraal. Cabdullaah Gaafoow Maxamuud oo deeqdaasi ku wareejiyay Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa sheegay in Lacagtaasi oo gaareysa 10,000 oo doolar qeyb kamid ah lagu iibiyay raashin, isla maantana ay ciidamada NISA ka qeybinayaan mid kamid ah xeryaha ay ku nool yihiin dadka ay abaartu soo barakicisay.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

“Ciidamada NISA ayaa iska soo uruuriyay Kaalmadaan, waxay u damqadeen walaalahood Soomaaliyeed ee Dhibaateysan, hadda waxaan Guddiga ku wareejineynaa 5,000 oo doolar, 10,0000 oo shilinka Soomaaliga ah, raashin, cunnada nafaqada Caruurta, iyo Daawo” ayuu yiri Gen Gaafoow.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “NISA waxa diyaar idiinla tahay in guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ay ka gacansiiso sugidda Amniga goobaha mucaawinada la gaarsiinayo iyo haddii loo baahdo in meelaha qaar aad qiimeyn ka sameyneysaan”.

Guddoomiyaha Guddiga Qaran Ee Gurmadka Abaaraha Sh Nuur Baaruud Gurxan oo la wareegay Kaalmada ayaa Duco iyo mahadnaq u diray Taliska Hay’adda NISA, isagoo ku ammaanay tallaabada Wanaagsan ee ay ku muujiyeen sida ay u garab taaganyihiin dadkooda haddii ay amni tahay iyo haddii Gurmad ay tahay.

“Ciidanada NISA naftooda bay noo hureen, la’aantood maanta halka aan taaganahay lama soo gaareen, ilaahay haka Ajarsiiyo naf hurnimadooda, maantana waad aragtaan iyagoo xaalad adag ku sugan ayay lacagihii ay qaateen wax uga gooyeen walaalahood ay sida daran u saameysay Abaarta ku dhiufatay dalka Soomaaliya” ayuu yiri Sh Nuur Baaruud.

Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa muujiyay dareen wanaagsan, iyagoo maalmihii ugu dambeeyay la arkayay sida ay uga qeybqaadanayeen Gurmadka Abaaraha

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Tababarihii naadiga kubbadda cagta ee Gaadiidka oo shaqada ka tagay

Next Post
Tababarihii naadiga kubbadda cagta ee Gaadiidka oo shaqada ka tagay

Tababarihii naadiga kubbadda cagta ee Gaadiidka oo shaqada ka tagay

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In