Tuesday, July 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo deeq ku wareejisay guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 31, 2017
in Wararka
0
Hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo deeq ku wareejisay guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed re NISA ayaa deeq isugu Jirta lacag, Raashin iyo Dawo ku wareejisay gudfiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha.

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Jeneraal. Cabdullaah Gaafoow Maxamuud oo deeqdaasi ku wareejiyay Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa sheegay in Lacagtaasi oo gaareysa 10,000 oo doolar qeyb kamid ah lagu iibiyay raashin, isla maantana ay ciidamada NISA ka qeybinayaan mid kamid ah xeryaha ay ku nool yihiin dadka ay abaartu soo barakicisay.

Related posts

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

July 7, 2025
Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

July 7, 2025

“Ciidamada NISA ayaa iska soo uruuriyay Kaalmadaan, waxay u damqadeen walaalahood Soomaaliyeed ee Dhibaateysan, hadda waxaan Guddiga ku wareejineynaa 5,000 oo doolar, 10,0000 oo shilinka Soomaaliga ah, raashin, cunnada nafaqada Caruurta, iyo Daawo” ayuu yiri Gen Gaafoow.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “NISA waxa diyaar idiinla tahay in guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ay ka gacansiiso sugidda Amniga goobaha mucaawinada la gaarsiinayo iyo haddii loo baahdo in meelaha qaar aad qiimeyn ka sameyneysaan”.

Guddoomiyaha Guddiga Qaran Ee Gurmadka Abaaraha Sh Nuur Baaruud Gurxan oo la wareegay Kaalmada ayaa Duco iyo mahadnaq u diray Taliska Hay’adda NISA, isagoo ku ammaanay tallaabada Wanaagsan ee ay ku muujiyeen sida ay u garab taaganyihiin dadkooda haddii ay amni tahay iyo haddii Gurmad ay tahay.

“Ciidanada NISA naftooda bay noo hureen, la’aantood maanta halka aan taaganahay lama soo gaareen, ilaahay haka Ajarsiiyo naf hurnimadooda, maantana waad aragtaan iyagoo xaalad adag ku sugan ayay lacagihii ay qaateen wax uga gooyeen walaalahood ay sida daran u saameysay Abaarta ku dhiufatay dalka Soomaaliya” ayuu yiri Sh Nuur Baaruud.

Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa muujiyay dareen wanaagsan, iyagoo maalmihii ugu dambeeyay la arkayay sida ay uga qeybqaadanayeen Gurmadka Abaaraha

 

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Tababarihii naadiga kubbadda cagta ee Gaadiidka oo shaqada ka tagay

Next Post
Tababarihii naadiga kubbadda cagta ee Gaadiidka oo shaqada ka tagay

Tababarihii naadiga kubbadda cagta ee Gaadiidka oo shaqada ka tagay

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

July 7, 2025
0

Shirweynaha Spain–Africa 2025 ayaa ka furmay magaalada Madrid, iyadoo uu si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee...

Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

July 7, 2025
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo xirtay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran...

National Consultation meeting on Social Media Policy for Managing the Risks and Misuse of Social Media Platforms Concludes in Mogadishu

National Consultation meeting on Social Media Policy for Managing the Risks and Misuse of Social Media Platforms Concludes in Mogadishu

July 7, 2025
0

The Ministry of Information, Culture and Tourism of the Federal Government of Somalia has officially concluded the two-day National Consultative...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada hadalo  mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada hadalo mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Masar

July 7, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay qasriga Al-calamayn, dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabeed ee Masar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In