Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi “Farmaajo” gudoomiyaha Baarlamanka iyo ms’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa ka qeybgalay salaadda Janaasada oo lagu tukaday Allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee dekedaha, ย gaadiidka cirka iyo dhulka marxuum Nuur Faarax oo saakay ku geeriyooday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.
Madaxda ka qeybgashay tukashada salaadda ย janaasada ee marxuum Nuur Faarax waxaa ka mid ahaa ย wasiirro iyo wafdigii Turkiga ka socday ee saaka soo gaaray Muqdisho, waxaana salaadda lagula dukaday masjidka madaxtooyada.
Allaha u naxariistee wasiir Nuur Faarax ayaa ahaa wadani dhab ah, ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho.